Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalida ku nool Uganda oo boob ka cabanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaalida ku nool dalka Uganda gaar ahaa kuwa dagan magaalada Kampala ayaa ka cabanaya tuugo badan oo si gaar ah u gaarsata Soomaalida iyagoo u gaysta dhac iyo waxyeelo badan, sida jirdil ay la kulmaan marka ay tuugada wax ka qaadaanayaan.

Qaar ka mid ah dadk Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in ay xiligaan soo bataan dhaca Soomaalida loo gaysto oo wadooyinka loo galo halka qaar kalena guryahooda loogu dhaco oo waxii guriga u yiila laga qaato.

Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaan Qarash ayaa ka sheekeeyay sababta sanad walba keenta in xiligan tuugada usoo bataan waxa uuna yiri” Wadankan aan ku nool nahay ee Uganda waa dad aqlabiyadiisa u badan yihiin Karishtan,marka la gaaro bisha Disembar ee u dambeysa sanadka 25-teeda ,waxa ay u dabaal dagaan Christmas day dalkuna fasax rasmi ah ayuu galaa, sidaa daraateed waxaa bata dhac iyo tuugada wadooyinka istaagta”. ayuu yiri Qarash

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in meelaha sida gaarka ah tuugada u beegsato ay ka mid tahay xaafadda Soomaalida degto ee Kenseye ee ku taala bartamaha Kampala.

Uganda ayaa la sheegaayaa in si guud ahaan ay ku nool yihiin Soomaali kor u dhaafaysa 20 kun oo isugu jira qaxoonti iyo ganacsato dagan dalkan, Soomaalida ayaana ku haysta xuriyad wanaagsan oo isku socodka gudaha dalka ah iyo mid ganacsi, iyagoo aan muwaadinka Soomaaliyeed wadooyinka lagu waydiin sharcigooda sida dalalka qaar.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this