Sign in to follow this  
Deeq A.

Culimada Al-Shabaab oo CC SHAKUUR ku eedeeyey “gaalnimo” kuna baaqay in magac cusub loo bixiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada taageersan kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadlay hadal muran badan abuuray oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka jeediyey dalka Jarmalka, kaasi oo culimada qaar ay ku sheegeen inuu xadiis saxiix ah ku beeniyey.

Wadaadada Al-Shabaab oo ka hadlay idaacadda Andalus ee Al-Shabaab ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey “inuu Allah ku kufriyey”, sida ay hadalka u dhigeen.

Wadaadada Al-Shabaab waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu “adduunyo raadin darteed ugu gefay axaadiista suubanaha.”

Culimada Al-Shabaab ayaa dhanka kale ku baaqay in Cabdiraxmaan “laga beddalo magaca wanaagsan ee uu wato loona bixiyo Cabdi Kaffuur ama Cabdi Diinaar.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu iska diiday inuu beeniyey xadiis saxiix ah, isaga oo sheegay inuusan marnaba si gaar ah u xusin xadiis.

Qoraal uu soo dhigay facebook, oo uu kaga hadlay arrintan muranka dhalisa, waxa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri “Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “Caqligooda iyo Diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah, waxaan kalo sheegay in xaqiraada loo adeegsado Xaddiis Been-abuur ah oo faalso ah oo ay culimada jeebka kala soo baxaan.”

Waxa uu intaas ku daray “Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sannadkiisa السند (Taxanaha Warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (Erayada Xaddiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this