Sign in to follow this  
Deeq A.

Taageerayaasha DF oo ka faa’iidaystay hadalkii CC Shakuur ee muranka dhaliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayaasha dowladda Soomaaliya ayaa siyaasad ahaan uga faa’iidaysanaya hadalka muranka badan abuuray ee uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka jeediyey dalka Jarmalka, kaasi oo lagu macneeyey inuu ku beeniyey xadiis saxiix ah.

Taageerayaashan oo ay ku jiraan kuwa aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo saaxiibna la ah, islamarkaana caan ah, ayaa hadda baraha bulshada kasoo buuxinaya muuqaallo laga soo duubay culimo aad u dhalleeceyneysa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qaarkood ku sheegaya “gaalnimo”.

Ma cadda in arrintan ay wax ka ogtahay dowladda iyo in kale, hase yeeshee hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa noqday fursad ay ka faa’iideystaan kuwa ku dhow dowladda, una adeegsadaan olole siyaasadeed oo magaciias lagu wiiqayo.

Waxaa sidoo kale dadka muuqaalladooda ay adeegsanayaan taageerayaasha dowladda uu ka mid yahay Xasan Daahir Aweys, oo iminka u xiran dowladda Soomaaliya.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay Xasan Daahir Awey oo ah “argagixiso dilay kumanaan qof” u ogolaatay inuu ku baaqo “dilkiisa”, taasi oo uu ku macneeyey in dowladda ay la shaqeyneyso argagixiso.

“Ayada oo dowladda ay tani ku taageereyso, oo taageerayaasheeda ay ku buun-buuninayaan baraha bulshada. Miyaysan tani caddeyn u ahayn in dowladda ay la shaqeeneyso argagixiso.” Ayuu yiri

Qoraal uu soo dhigay facebook, oo uu kaga hadlay arrintan muranka dhalisa, waxa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri “Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “Caqligooda iyo Diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah, waxaan kalo sheegay in xaqiraada loo adeegsado Xaddiis Been-abuur ah oo faalso ah oo ay culimada jeebka kala soo baxaan.”

Waxa uu intaas ku daray “Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sannadkiisa السند (Taxanaha Warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (Erayada Xaddiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen.”

Dowladda Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa ka dhaxeeya cadaawad xooggan oo ka billaabatay markii ciidamada dowladda weerareen gurigiisa kuna dileen qara ka mid ah ilaaladiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this