Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Salmaan Rushdi?

Recommended Posts

Odeygaan xabsi guri ku jiro wali hanjabaad ayuu meesha ku haayaa. Yaab.

Xasan Daahir Aweys: “Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ku dhacay kufrinimo cad”

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo toos bulshada ugala hadlayey bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrin maalmahaan dambe ay isku hayeen qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Muuqaalka uu ka soo muuqday Xasan Daahir oo soconaya ku dhawaad 50 daqiiqo, ayuu ku sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u leeyahay aqoon dheer, waxa uu haatan ku kacayna aysan aheyn xad gudub oo kaliya, balse uu ku dhacay fal “kufri ah”

“Sababtu waxay tahay in xadiis saxiix ah uu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer” ayuu yiri Xasan Daahir.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Midda ka sii daran waxay tahay inuu kor u qaaday gaaladii, haweenkoodii iyo manhajkoodii, isagoo dumiyey kii Nabigeenna NNKH waxuuna ku doonayaa cizo, igadaa culumadaan wax iska dhah-dhahaya, balse waxaan idiin sheegayaa qofka ku kaca falka intaan aakhiro la gaarin iyuu aduunyada ku khasaaraa”.

Xasan Daahir ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay nin “agtiisa ay wax walba beec ka yihiin,”.

“Wadanku waa beec, diintu waa beec, dadku waa beec, saas oo ay tahayna dad u sacbinaaya ayaan arkaayey waana khasaareen kuwaas, sababtuna waxay tahay waxa uu ninkaas ku jees-jeesayo inuu xadiiska Rasuulka yahay wey ogyihiin, isagaana la mid tihiine ogaada” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xasan ayaa sheegay in “Cabdiraxmaan waxyaabaha nuucaas ah waligiis laga sheegi jiray, balse uu maanta ku dhiiraday inuu fagaaraha la soo istaago, isagoo sheegay hadii uusan ka toobad keenin inuu waligiis ku sejalnaa doono.

“Waxaan rajeynayaa hadaad aqli leedahay anigu dadka khalfoofkaa ayaan kugu aqaanaaye oo aan shakhsiyada hoose laheyn meeshii ay dhalaan ku arkaana raacee waan ogahay in warkaas oo kale reer Galbeedka laga iibiyo waana markaan dhihi jiray tol belay seeftii ilaaheybaa galka gashan, marka meeshii Salmaan Rushdi uu maray inaa martaan rajeynaayaa” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odaygan Xabsi guri ku jira, bilo meel ka soo maleegi, internet ka halaga jaro

I urge the government to cut his internet,  who gave him right to make someone kufri ,yes we know we may not like Abdishakur, but his life now in danger cuz this old silly man

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Imagine If  this man and his cohorts took over Somalia.?

He is probably one of the main protagonists who allowed the spilling of Somali blood using religion. 

Ka waran kani oo kale haddii uu go'aan ka gaadhi lahaa cida qoorta laga goynaya ee gaalowday iyo kuwa tubta ku taaga. Illahayow mid aan naxariis lahayn hanugu salidin.

I can not believe the Somali government is facilitating Dahir Aways to call for the murder of rival politician. If something happened to C/raxman C/shakur , certainly Fahad Yaasin and Farmaajo will be responsible.

How can a man whose  policies and actions caused the death and destruction of thousands of Somalis in allowed to have microphone is his house arrest?.

C/raxman knows religion and XAdiis more than the so called extremists who are waving the good book. Besides, why Nabad Iyo Nolol is afraid of this guy?

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nimanyahow marka ugu horaysa looma jawaabo sidii inaad cod siinaysaan jestinturudo iyo xisbiga liberal'ka.

Waxa laysku hayo waa caqiido islaami ah, markaad dhinac raacaysaan waxaa loo baahanyahay inaad aqoonteeda leedihiin ama ugu yaraan aad dhagaysataan labada dhinac.

Tusaale 

Adigoo wayso qaba oo  sharabaadyo ama iskaalshooyin xiran hadii waysadu kaa jabto waxaa laguu baneeyay inaad wayso qaadato adigoo korka ka masaxaya sharabaadkii

Maxaa hoos looga masixi waayay ileen waa hoos meesha dhulka xigtee?

Jawaabtu waxaa weeye diinta caqli loogama jawaabo cilmi yaa looga jawaabaa.

Culimada oo dhan waxay isku raacday oo  suufiyadu ku jiraan inuu Ccshakur ku xad gudbay xadiis saxiixa.

Asagaa laga rabaa inuu si toos ilaahay cafis u waydiisto ka dibna raali gelin waydiisto umadda muslimiinta ah oo aduunka ku nool.

Sidaasaa loo fasirtay""
Sidaanaan ula jeeday""
Biti bitii looma baahna arintu waa caqiido waxaana u furan towbad.

Ma jirto aduunka dawlad qof caadi ah ilaalin karta balse waxaa la dhintaa ayadoo la ogyahay inaad soo noqotay kii ku dulmayna dambiile yahay.

Alle waxaan ugu rajaynayaa inuu soo hadeeyo dhibna uusan arkin.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhaqaale   

I thought Somalis wanted a Islamic state and the Quran as the law of the land. Somalis want to be ruled by a Muslim political system and laws that reflect their religious nature. There is no ambiguity when it comes to this.

Somalis do not want a secular free society where the scientific method guides the reality of life. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
16 hours ago, gooni said:

Culimada oo dhan waxay isku raacday oo  suufiyadu ku jiraan inuu Ccshakur ku xad gudbay xadiis saxiixa.

gooni,

Hawshani Siyaasad ma ahan ee culimadan beegsanaysa ninkaan ayaa ka bixiyey jawaab qaldan arrin u baahan dood iyo cadaymo.

Anigaygan kula hadlaya waxa aan maqlay mudo dawr iyo labaatan sano ka badan doodan oo kale. Culima ayaa qabta Xadiisakan dhahaya " Qoom Naago U Taliyeen Ma Liibano' in uu daciif yahay.

Xataa dood cilmiyeysan oo waxaa jirta odhanaysa aayada ah " A rijaalu Qawaamuuna Cala Nisaa" waxa ay jiri kartaa haddii Ninku (Rijaalku) ka soo baxo waajibkiisa ah in uu masruufo oo uu daryeelo reerka. haddii uu ka soo bixi waayo oo Haweenaydii ay biilka bixiso oo reerka u Shaqeyso, wuu luminayaa " Status" kii karaamada.

Arrimahani waa dood dheer , waana mid ku haboon doodeeda oo cilmi, iyo daliil lala imaanayo. Laakiin ma aha mid Ina Cabdishakuur loogu soo gabado in dhiigiisa lagu baneysto oo lagu tilmaamo Salmaan Rushdi.

 

16 hours ago, Apophis said:

you will be making another long post on why Farmajo is the second coming.

Apophis,

Saaxiib that is not how I roll. I am not beholden to any leader or group. I am a card carrying member of the " Xoogaga Wadaniyiinya" who want this nation to rise up from the ashes of anarchy, tribalism , famine and secession.

If I see Farmaajo and company transgress and abuse the trust given by the people , I will speak out and point their mistakes.

Now, if you ask mre who should be leading Somalia for the next  four years and choose among Ina C/rashiid Sharmaarke, Hassan Sheikh and Farmaajo, I will definitely give my vote to Farmaajo. As usual he is making mistakes but he is building the army and raising the profile of the Somali nation among the eyes of the world. Unless I see any viable and better candidate , I will stick with Farmaajo.

Afar Sano ayaanu ugu daraynaa. Warkaygu waa ku galay baan u malaynayaa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Mahadsanid galbeedi

Xadiis muslin iyo bukhaari laga wariyay daciif ma'ahan, walaal asaguna ma dafirsana baqdin ka dib.

Xag-jirku, cidna ma daayo kuwo aan waligood masaajid ka bixin hadal iyo khaladna laga maqal bay dileen salaadii cisho ka dib.

Muhiimku waxaa weeyaan mowduucu haduu diini noqdo looma qiyaaso siyaasad, caqli, iyo aragti, lagamana jawaabi karo hadaadan aqoonteeda lahayn.

Waxaan rabaa inaan kula wadaago fatwo ay culumo uga jawaabaysay su'aal cajiiba.

Waxaa la waydiiyay hadii nin iyo xaaskiisa, caruurtiisa, hooyadii iyo aabihiis, meel cidla ah ku gaajoodaan oo ay gaaraan naf bax ku dhawaad. 

Ninkuna uu haysto luqmad yar oo af gelis ah ama naf ku celis un ah. 

Yaa xaq u leh in la siiyo luqmadaas inuu cuno si uu nafta u badbaadiyo?

Iminka caqligaaga wuxuu kuu sawiray meel ku qor.

Jawaabta shareecada islaamkana meel kale ku qor.

Caqligu wuxuu kuu sawirayaa caruur yaryar oo aad dhashay oo kusoo eegaya,
Maya hooyo sagaal bilood ilasoo taahaysay 

Maya odaygii aabe ah oo indhuhu daciifeen maya maya...maya..

Jawaabta shareecada akhri marka

Kow waa inuu qudhiisu cunaa ayagoo fiirinaya kuligood sababtoo ah qof walba naftiisa kaliya yaa alle waydiinayaa

Waxaa kasii cajiibsan hadii uu labo luqmadood uu haysto yaa kaloo xaqa labaad iska leh?

Xaaskiisa oo caqid iyo warqad un dhaxayso.!! 
Sababtuna asagaa alle hortiis kafaalo qaaday masruufkeeda iyo marashadeeda, markhaatiyona u samaystay.

Halkaas waxaad ka baran kartaa in caqliga, fikirka, uusan shaqo ku lahayn diinta iyo sunaha nabeegeenii suubanaa CSW. 

Xaquuqda dumarku way ku wayn tahay muslinka, xataa hadii ay lacag leedahay, waa waajib ninka saaran, haday ku sadaqaystana ayaday jirtaa, balse waajib kuma aha inay masaariif bixiso..

CC-Shakuur
Naftiisa asagaa masuul ka ah xaquuqda dumarka reer matabaan iyo kuwa Berlin isku mid ma'ahan.

Alle u noqo, qofna haka baqin waa dhamaatay sheekadu, laakiin halaygasoo gaaro intaad wado train fariisato wax meesha qabta ma'ahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

I remember lengthy discussion we had on SOL about this topic 6 years ago. 

Something never change in the Somali psycho.

Waxa maalin walba cimaamad diineed loo geliyaa ujeedo siyaasadeed awr lagu kacsanayo. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

He was  probably looking some votes from the women. He could have explained the rights of women for political participation without indulging Hadiis.

The big problem is that no one will go WAdajir party events anymore for fear of being bombed by the extremists. As a Mogadishu resident he should be very careful now.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkii lagu dhaganaa waa hadlay, waana towbad keenay. Ninkaan laba mar si kadis isku aragnay in the last six months. Salaadii Ciidda u dambeysay isku meel ku wada tukanay. Bishii sagaalaad markaa Xamar u socday garoonka Nayroobi isku aragnay oo isku meel fadhinay. Calaa kuli xaal, back to the topic.

CC Shakuur oo si shaacsan uga towbad keenay gefkii ka dhacay, cafisna dalbaday

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame oo ayaa caawa si shaacsan ugu dhowaaqay inuu Allah uga towbad keenay gefkii ka dhacay, wuxuuna weydiistay cafis.

“Waxaan rabaa mar kale inaan cadeeyo xadiishkiis Nabiga CSW ee doodu ay ka dhalatay inaana diidaneyn oo aan ictiraafsanahay xadiiskaas inuu yahay mid saxiix ah, waxaan kaloo ictiraafsanahay sida Nabigeena Muxamed NNKH uu fasiraadda uga bixiyey, waxaan kaloo ictiraafsanahay diinteena Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Nabiga CSW inay tahay diinta xuquuqda ugu badan siisay haweenka, sidaas darteed wax kasta oo khalad ah oo khudbadaas ku jiray waxaan Ilaahey subxaanahu watacaalaa weydiisanayaa inuu iga cafiyo, waana uga towbad keenayaa,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Cabdiraxmaan oo sii hadlayey ayaa sheegay inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ka dhex jira iyo fasiraad khaldan oo uu sheegay in diinta laga sameeyay.

“Waxaan markasta diidanahay oo u taagnaa doonaa iyadoo diinteenu ay xuquuqda ugu badan siisay haweenka inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ku dhex jira, fasiraad khaldan oo diinta laga sameeyey oo lagu dulminaayo xuquuqda dumarka, kaas oo aan anigu diidanahay  waxaan ahay qof u taagan inuu ka hor tago oo dulmigaas ka dhiidhiyo, difaacana xuquuqda dumarka ay siisay shareecada islaamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdiraxmaan.

Ugu danbeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Dhamaan doodihii ka dhashay khudbadeydii waan la socday in tooda badan tan culumada, tan siyaasiyiinta iyo tan bulshadaba, dhamaan waan cafiyey dadkaas kuwa iga soo horjeeday iyo kuwa i taageerayaba, iyagana waxaan ka dalbanayaa inay i cafiyaan, arrintu halkaas ha ku dhamaato, culumadana waxaan ugu baaqayaa inaysan la kala safan siyaasiyiinta, kuwa aan hadda siyaasada isku heyno anigaaba ku dhaama diintee haddey cid la safanayaan waxay aheyd inay aniga ila saftaan.” (happy0035.gif Baryo xumaa)

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hassan Daahir Aweys is most disliked in Kililka. He cannot argue any case and convince people. He makes list of persons to be assassinated first and foremost, before even starting to make a statement.

He had on his list in the 90-92s about 7 persons from Kililka. Started with Dr. Abdulmajid and that started the fight which was end of chapter very quickly. First time Meles sent special forces into Somalia from guerrila fighters of TPLF, WSLF..etc.

Muhamed Dirir the one who helped the Sudanese in their recent revolution and setting up of government, was no. 2 or 3 on Aweys list to be assassinated..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.