Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Daahir Aweys: “CC Shakuur wuxuu ku dhacay kufrinimo cad” + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo toos bulshada ugala hadlayey bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrin maalmahaan dambe ay isku hayeen qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Muuqaalka uu ka soo muuqday Xasan Daahir oo soconaya ku dhawaad 50 daqiiqo, ayuu ku sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u leeyahay aqoon dheer, waxa uu haatan ku kacayna aysan aheyn xad gudub oo kaliya, balse uu ku dhacay fal “kufri ah”

“Sababtu waxay tahay in xadiis saxiix ah uu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer” ayuu yiri Xasan Daahir.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Midda ka sii daran waxay tahay inuu kor u qaaday gaaladii, haweenkoodii iyo manhajkoodii, isagoo dumiyey kii Nabigeenna NNKH waxuuna ku doonayaa cizo, igadaa culumadaan wax iska dhah-dhahaya, balse waxaan idiin sheegayaa qofka ku kaca falka intaan aakhiro la gaarin iyuu aduunyada ku khasaaraa”.

Xasan Daahir ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay nin “agtiisa ay wax walba beec ka yihiin,”.

“Wadanku waa beec, diintu waa beec, dadku waa beec, saas oo ay tahayna dad u sacbinaaya ayaan arkaayey waana khasaareen kuwaas, sababtuna waxay tahay waxa uu ninkaas ku jees-jeesayo inuu xadiiska Rasuulka yahay wey ogyihiin, isagaana la mid tihiine ogaada” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xasan ayaa sheegay in “Cabdiraxmaan waxyaabaha nuucaas ah waligiis laga sheegi jiray, balse uu maanta ku dhiiraday inuu fagaaraha la soo istaago, isagoo sheegay hadii uusan ka toobad keenin inuu waligiis ku sejalnaa doono.

“Waxaan rajeynayaa hadaad aqli leedahay anigu dadka khalfoofkaa ayaan kugu aqaanaaye oo aan shakhsiyada hoose laheyn meeshii ay dhalaan ku arkaana raacee waan ogahay in warkaas oo kale reer Galbeedka laga iibiyo waana markaan dhihi jiray tol belay seeftii ilaaheybaa galka gashan, marka meeshii Salman Rushdi uu maray inaa martaan rajeynaayaa” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Halkaan ka Daawo hadalkiisa oo dhamays tiran

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this