Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxamed-Yaroow-441x462.jpg?resize=441%2CMarxuun Maxamed Yarow

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijinaya  in guddoomiyhii degmada Awdheegle Maxamed Yarow lagu dilay qarax miino.

Qaraxa miino waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex kamid ahaa ilaalada guddoomiyha geeriyooday.

Gudoomiyha geeriyooday ayaa qaraxa lala beegsaday xilli uu marayay inta u dhexaysa degmada Awdheegle iyo degaanka Sabiib oo isla Awdheegle ka tirsan.

Marxuum Maxamed Yarow ayaa in ka badan 6 sano wuxuu ahaa gudoomiyha degmada Awdheegle ee gobolkaasi Shabeellada Hoose.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this