Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Guddiga TPEC oo qorsheeyey mudada la qaban doono doorashada dowladaha hoose

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15754711841417280.jpg?w=1000&ssl=

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maanta ansixiyay qorshaha uu ku shaqayn doono iyo tubta doorashada dowladaha hoose ee Puntland.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa qorsheeyey in muddo labo (2) sanadood gudahood ah lagu qaban doono doorashada dowladaha hoose ee Puntland.

Qorshahan Guddigu diyaariyey ayaa lagu soo bandhigi doonaa daahfur weyn oo loo sameyn doono bishaan December gudaheeda, sida uu sheegay Guddigu.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo Madaxweyne Deni magacaabay bishii Agoosto ee sanadkan 2019, ayaa muddooyinkii u dambeeyey kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo hay’adaha taageera arrimaha dimuqraadiyada.

Madaxweyne Deni ayaa horey u balan qaaday in uu Puntland ka hirgalin doono barnaamijka dimuqraadiyada oo ay horey ugu fashilmeen xukuumadihii hore.

PUNRLAND POS

The post Puntland: Guddiga TPEC oo qorsheeyey mudada la qaban doono doorashada dowladaha hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this