Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Erdogan Oo Difaacay Heshiiska Badda Ee Ay La Galeen Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku gacan seedhay dhalleeceymaha loo jeedinayo heshiis ay la galeen Libya oo Aknara u ogolaanaya inay hesho xuquuqda dhul-badeed baahsan, oo sidoo kale ay raadinayeen dalal ay ka mid tahay Greece.

135c6304-7bc6-412b-bff0-1091388fc002_w10

Heshiiskan oo Turkiga uu 27-kii November magaalada Istanbul kula saxiixday ra’iisul wasaaraha dowladda la aqoonsan yahay ee Libya Fayed al-Sarraj ayaan weli laga helin faah-faahin buuxda.

Hase yeeshee wabixino warbaahineed qaarkood ayaa sheegaya inuu saddex meelood meel kordhinayo qalfoof-badeedka Tukrey, una ogolaanayo inay hesho dhul-badeed dhowaan la ogaaday inay ka buuxaan gaas iyo saliid oo dhaca bariga badda Mediterranean-ka.

Heshiiska ayaa dhul-badeedkan u diidaya dalalka Greece, Cyprus iyo Masar, oo sidoo kale raadinayey.

‘Tani waa xuquuq madax-banaani oo ay leeyihiin Libya iyo Turkey,” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Ankara, ka hor inta aanu u bixin shirka NATO ee London.

Greece ayaa ku hanjabtay inay caydhin doonto safiirka Libya, haddii aan loo soo gudbin faah-faahinta heshiiska.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in Akara ay QM u gudbin doonto aageeda cusub ee dhaqaalaha (EEZ) marka heshiiska uu ansixiyo baarlamanka Turkey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this