Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Banaanbax ballaaran oo ka dhacay Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Dibadbaxaan oo ay ka qeyb galeeyn dadweyne fara badan ayaa saaka ka dhacay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday maamul cusub oo uu dhowaan wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle u magacaabay degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dibadbaxa oo watay rabshada uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo kale , kadib ay markii rasaas ku fureen ciidanka amniga magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale ciidamada ayaa xasbiga u taxaabay illaa saddex oday dhaqameed oo ka mid ah waxgaradka deegaanka, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli hakad ku jira dhaq dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

eaa483a0-72cb-4845-a17f-5272dd438763 5c62e616-ca75-4065-87ee-3c2445da9a82 7930eb22-0f28-4f1e-9cf9-a8d4721bad84 baf57d36-5318-4de9-8f83-f32aefd28395 Buulo-Burte c98e3ea9-6101-4330-b6bf-d66e0d0c32ec

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this