Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbaxyo Waaweyn Oo Ka Dhacay Gobolo Ku Tirsan IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Shacabka Iiraan ayaa dhigay dibadbaxyo lagu taageerayo dowlada oo ka dhacay saddexda gobol ee ugu waaweyn kaasi oo lagaga soo horjeedo banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay maalmihii la soo dhaafay magaalooyinka dalkaas.

1574193018158cf.jpg

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii xukuumada Tehraan ay boqolkiiba konton ay kordhisay qiimaha Gaas-ka oo cadho xooggan ku abuurtay dadweynaha.

Dibadbaxyada oo dhacay shalay ayaa kumanaan ruux waxay iskugu soo baxeen gobolada Azerbaijan Zanjan Chaharmahal iyo Bakhtiari, oo Jiho ahaan dhaca waqooyi galbeed iyo koonfur galbeed ee dalka Iiraan.

Shaqsiyaadka soo qaban qaabiyay banaanbaxa ayaa sheegay in ay aqbalayaan in dowlada lagaga cawdo si nabad ah, balse ay ka soo horjeedaan dibadbax kasta oo wax u dhimaya Qaranimada.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatulaahi Cali Khumeyni uu wacad ku maray in si adag loola macaamili doono dibadbaxayaasha burburinaya Hantida Iiraan.

Wuxuu dhanka kale ku eedeeyay wadamada cadowga ku ah in ay dabada ka riixayaan banaanbaxa iyagoo adeegsanaya dad dabadhilif u ah waa sida uu hadalka u Dhigay.

Xoghayaha arimaha Dibada Mareykanka Mike Pompeo oo ka hadlay rabshadaha ka taagan Iiraan ayaa sheegay in Washington ay soo dhaweyneyso mudaaharaadka looga soo horjeedo Dowlada Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this