Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada labada gole oo maanta ku kulmaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka  Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka oo ah mid wadajir ah ayaa waxaa ajandayaasha ka mid ah akhrinta 1-aad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka 2020-ka xisaab xirka Miisaaniyadda 2018-kii

Sidoo kale xildhibaanada labada gole warbixin guud ka dhageysan doono guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, taas oo la xariirta safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasilmada dalka Itoobiya

Waa kulankii ugu horreeyey oo ay si wadajir ah u yeelanayaan xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, tan iyo markii la xaliyey khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this