Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda iyo Al-Shabaab oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay dowladda oo lagu daabacay wakaaladda wararka Sonna ayaa lagu sheegay howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajir ah  u fuliyeen ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo ku sugnaa deegaanada howdka,  sida lagu sheegay warbixinta.

Sidoo kale war-qoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah,mudadii uu socday howlgalkaasi, balse khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

“Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab,tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii kooxda, iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”. sidaasina waxaa sheegay saraakiisha ciidamada howlgalkaasi hoggaaminaysay.

Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabab oo ay kaga hadleen duqeyntaasi ayaa waxa ay ku sheegeen in lagu dilay nin ganacsade caan ka ahaa halkaasi.

Al-Shabaab ayaa magaca ninkaasi ku soo koobtay Ismaaciil, waxaana ay sheegtay inuu ku sugnaa deegaankja Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this