Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safaradiisi dibadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo xalay dib ugu soo laabtay dalka kadib safarro shaqo uu ku maqnaa wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safarkiisa oo guul kusoo dhamaaday waxuu ka billaawday Faransiiska, waxaana magaalada Paris kusoo dhaweeyay madaxweynaha Faransiiska.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay kulanka sanadlaha ah Madasha Nabadda Paris, ayaa dhanka kale booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Paris, waxuuna ballan qaaday in dowladdu dayactir iyo horumarin ku sameyneyso dhismaha safaaradda iyo hoyga safiirka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu Paris u joogay ka qayb galka kulanka madasha, waxuu kulamo doceedyo la qaatay, wasiirrada arrimaha dibadda Faransiiska Nederlands, Ruusha iyo Finland , iyo xoghayaha arrimaha dibadda Sweden.

Dhammaan mas’uuliyiinta uu kulamada la qaatay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay xoojinta xariirka dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya, arrimaha deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dowladdu ay dalka ka waddo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Paris kula kulmay madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka, Dr. Bandar Hajjar iyo Xog-hayaha guud ee weriyaasha aan Xuduuda la hayn…

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Faransiiska uga sii safray Belgium waxuuna magaalada Brussels kulamo kula qaatay guddoomiyaha guddiga  midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Mudane Xasan Cali Khayre oo safarkiisa oo qaatay 10 maalin kusoo gebagebeeyay Qatar, ayaa amiirka Qatar, Amiir Tamim bin Hamad Al Than, Dooxa kula qaatay kulan looga hadlayey xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safaradiisi dibadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this