Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxda Jubbaland oo ka fakaraya jawaabta dalab adag oo uga yimid Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo-(Caasimada Online)-Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in caawa madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland ay kulamo aan loo kala kicin ku leeyihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo haatan uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, labadiisa ku xigeen iyo xubno kale ayey u dhaxeeyaan kulamadu waxayna ka arinsanayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen shuruudo ay hor dhigeen xubno ka socday beesha caalaka oo maalin ka hor gaaray magaalada Kismaayo.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland aadna ugu dhaw hoggaanka sare ee Jubbaland oo naga dalbaday in aanaa adeegsan magaciisa ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda Jubbaland maanta ilaa caawa kulan aan loo kala kicin ay ku leeyihiin Madaxtooyada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xubnihii ka socday beesha caalamka ee dhawaan yimid magaalada Kismaayo ay madaxda Jubbaland ku wargaliyeen in aysan aqbali doonin doorashadii dhacday iyagoo ka dalbaday in ay ogolaadaan in la qabto doorasho kale.

Beesha Caalamka ayaa haatan hoggaanka Jubbaland ka sugeysa in ay ka jawaabaan dalabka ay u soo jeediyeen oo ahaa in lagu celiyo doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo 22kii July, taas oo ay haatan ka arinsanayaan madaxda Jubbaland sidii ay uga jawaabi lahaayeen.

Lama oga go’aanka ka soo bixi doona kulamada madaxda sare maamulka Jubbaland, sidoo kale Xildhibaanka noo waramay ee ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa ka gaabsaday in uu saadaaliyo waxa ka soo bixi kara kulamada iyo waxa ilaa hadda la isla meel dhigay.

Caasimada Online

Xaafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this