Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif: Magaaladan waxaa laga saaray mooryaan, Itoobiyaan iyo Shabaab, kuwan waxba ma ahan waan ka saaraynaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online)-Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho warbaahinta kula hadlay xilli uu ka soo laabtay safar ay ku tageen magalada Beledweyne ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda dowladda federaalka oo uu sheegay in maanta amarkooda loogu xayiray Garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde.

Waxaa uu sheegay in aysan u dul qaadan doonin ficilada ay madaxda dowladda fedelaaku ku ka cayaan, kuwaas oo uu ka carabaabay caburinta Shacabka iyo madaxdii hore dalka, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabadda ku haboon hadii sidaan ay wax ku sii socdaan.

Madaxweyne Shariif ayaa ku dhaartay in magaalada xoog looga saarayo madaxda talada heysa haddii aanay joojin ku tumashada sharciga oo uu sheegay in ay soo laa laabatay.

“Magaalada waxaa joogi jiray ******** awood ayaa looga saaray, ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ayaa sidoo kale awood looga saaray, marka kuwa hada jooga ma kuwaas ayey ka awood badan yihiin? waa maya, wallahi xoog ayaan uga saareynaa magaalada, haddii aanay joojin sharciga ay ku tumanayaan” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed madaxweynihii hore ee dalka.

Dadka shacabka ah ee wax ka tabanaya xukuumadda hadda talisa ayuu ka dalbaday in ay cabashadooda u soo gudbistaan Madasha Xisbiyada Qaran ee uu isagu hoggaamiyaha ka yahay, isagoo balan qaaday in ay si deg deg ah uga jawaabayaan cashada shacabka, waxa uuna wacad ku maray in ay gaarsiinayaan halka ugu dambeysa.

Hadalka Shariif ayaa daba jooga xayiraad maanta loogu gaystay gudaha garoonka Aadan Cadde, iyadoo markii loo ogolaaday in ay ka duulaan garoonka mar kale loo diiday in ay ka degaan garoonka diyaaraha ee magaalada Beledweyne oo ay ku sii jeedeen, waxayna ku dhawaadeen in ay Muqdisho ku soo laabtaan.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this