Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaacisay inay deeganadeeda si weyn ugu soo dhaweynayso Dhoobo Daareed

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta waxay markii ugu horeysay ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed.

Somaliland ayaa sheegtay in Puntland ay si cad u baalmartay dastuurkii iyo qawaaniinta ay ku dhaqmeysay, isla markaana xil ka qaadista Dhoobo loo maray sifo sharci daro ah.

Wasiirka Biyaha Somaliland, Saaleebaan Cali Koore oo qaar kamid ah Warbaahinta Somaliland kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa arrinkaasi sheegay, isagoona ka dhawaajiyey in Dhoobo yahay shaqsi ka soo jeeda Somaliland, ayna deeganadooda ku soo dhoweynayaan.

“Waxaan u aragnaa nidaamkii ay sheeganayeen inaysan marin, ayna u dhaqmin sida uu dastuurkoogu uu qorayo. Waxaana u aragnaa in sifo sharci daro ah u dhacday (xil ka qaadistaasi)” ayuu yiri Wasiirka biyaha Somaliland.

Wuxuuna intaas ku sii daray “Dhoobo waa nin Somalilander ah, hadduu yimaado isagoo aaminsan Somaliland, aad iyo aad baan u soo dhaweynaynaa, horena wan u sheegnay oo wuxuu kamid ahaa dadka aynu laheyn halkaasi waxba idima yaalan, oo ay halkan (Somaliland) wax ku wada leeyihiin”.

“Waxaanu leenahay (Dhoobo) anagu Somalilander baanu ku aqoonsanahay, ku soo dhawoow dhulkaaga hooyo, meelkasta oo timaadana adigoo fikirka Somaliland aaminsan waanu ku soo dhoweynaynaa”.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa, isagoona si gaar ah Madaxweyne kuxigeenka Puntland u soo jeediyay in uu isku tashto inta uu gabalku ku dhicin.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this