Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Guddoomiyaha gobolka Mudug oo si adag u beeniyay in Villa Somalia ciidamo ka qoratay gobolkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   
WEEY.jpg?w=1000&ssl=1Axmed Muuse Nuur

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Axmed Muuse Nuur oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa  si adag u beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay  ciidamo ka qoratay degaanno ka tirsan gobolkaasi Mudug.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in warkaasi ay faafiyeen dad lacag ka doonaya Villa Somalia, balse sida uu sheegay ay ku fashilmeen, maadaama aysan soo bandhigin ciidan iyo hub la wareejiyay midna.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in qaar kamid ah telefishinno oo ku tilmaamay mucaarad ay  sii buun-buuniyeen warkaasi, isagoo xusay in ay la xisaabtami doonaan warbaahinta caadaysatay wararka been-abuurka ah.

“Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur mar uu ka jawaabayey su’aashaasi.

Wuxuu intaasi raaciyay  in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in wixii heer Federaal ee looga baahdo gobolka Mudug ay tahay in loo soo maro dowladda Puntland.

“Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu mar kale yiri.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Federaalka aysan ciidamo ka qoran Karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin.

Dhinaca kale, dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in aysan aaminsaneyn nidaamka Federaalka ee lagu doortay, taasi beddelkeedana ay door-bidayso in dalka loo maamulo nidaam tuulo-tuulo iyo degmo-degmo ah.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST

The post Puntland: Guddoomiyaha gobolka Mudug oo si adag u beeniyay in Villa Somalia ciidamo ka qoratay gobolkaasi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this