Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo weerar culus ku qaaday dhammaan madaxdii talada kaga horreysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galayey kulan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan madaxdii isaga kaga horreysa talada dalka.

Khayre ayaa sheegay in markii isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay la wareegeen xafiiska ay u yimaadeen hab dhaqan siyaasadeed oo aad u xun, islamarkaana ka duwan hab dhaqanka siyasaadeed ee ka jira caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligaasi la aaminsanaa in siyaasadda lagu raado dan gaar, laguna lunsado dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u nimid dhaqan ah in la aaminsan yahay inay siyaasadu tahay wax dan gar ah lagu raadsado, halkan waxaan ugu nimid dhaqan la yiraahdo aan siyaasi noqdo, si aan wax u helo ” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Waxa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay inay ceeb aheyd in la’isla xisaabtamo, iyo in la wada shaqeeyo, si loo hormariyo dalka.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in dhammaan ay bedaleen hab dhaqankaasi, islamarkaana laga gudbay dhibaatooyinkii jiray, haatana dowladda Soomaaliya ay la qjaan aadeyso siyaasad ahaan dowladaha asaageeda ee ka jira dalalka caalamka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe madaxda dowladda ay eedeymo xoogan kala kulmayeen Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/Khayre.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this