Sign in to follow this  
Deeq A.

WHO oo war cusub ka soo saartay fatahaadaha ka jira dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha Bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay Roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Roobab mahiigaan ah oo ka hooray dhowr qeybood oo ka mid ah Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee Dalka.

Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka.

Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this