Sign in to follow this  
Deeq A.

Falanqeyn: Muxuu Sababsaday Dhoobo Daareed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa 7-dii bishan (Khamiistii) waxa ay xilka ka qaadeen guddoomiyahii baarlamaanka ee maamulkaasi C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba Daareed).

Hadaba dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in sababta uu ku baxay Dhoobo Daareed ay tahay farogelin dowladda federaalka ah.

Aqoonyahan Maxamed Axmed Caalim oo u waramay Goobjoog wuxuu sheegay in Dhoobo Daareed uu mar hore caddeystay inuu taageersan yahay dowladda federaalka, kana xun yahay xiriirka ay Puntland u jartay DFS.

Sidoo kale, Caalim ayaa sheegay in madaxda federaalka ay dhaqaale badan ku bixiyeen burburinta maamul goboleedyada, si ay talada dalka ugu soo noqdaan 2021.

Halkaan hoose ka daawo:

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this