Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabuud Cabdi Ismaaciil Balbalaare oo soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Muuse (Balbalaare), oo ka amid ah isimada soojireenka ah ee Puntland, ayaa manta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasi oo soo dhaweeyay diirran loogu sameeyay.

Suldaanka waxaa duleedka koonfureed ee magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay isimo, waxgarad, aqoonyahanno, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi Boosaaso.

Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil ayaa mudada uu ku suganyahay Boosaaso waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona bulshada magaalada sida hoggaanka dhaqanka waxgaradka iyo dhammaan qeybaha bulshada.

Hoos ka daawo muuqaalka soo dhaweynta oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Cabuud Cabdi Ismaaciil Balbalaare oo soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this