Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudanayaasha Guurtida Oo Dhaliilay Xeerka Ismaamulka Goballada Iyo Degmooyinka Ee Wakiiladu U Soo Gudbiyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

-Mudanayaasha golaha guurtida ayaa ka dooday xeerka ismaamulka goballada iyo degmooyinka ee dhawaan uu ansixiyay golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaanada golahan ayaa doodan aad ugu dhaliilay xeerkan oo ay ku tilmaameen mid isku dhexdaadsan oo aan la nidaamin, waxaanay badankoodu soo jeediyeen in dib gudi loogu dhiibo si loo soo saxo degmooyinka iyo gobalada isku khalkhalsan.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudanayaashii doodan ka hadlay waxa uu yidhi “ Xeerkani muugaadhin wakhtigii aan u codayn lahaynba,waxa xeerarka oo dhan inoogu taala gobaladii jiray wakhtgii Ingiriiskii hakii u kala xad ahayd ayaa u kala xad ah kana way ku taalaa, hadana waxa u leeyahay Cadaadlay oo barigii Ingiriiskii Hargeysa laga xukumi jiray Berbera ayaa xukunta, meel kale oo xuduuda ku taalana waxa xukunta Berbera cida xeerkan qortay cid mirqaansan ayay u eegtahay, cid miyir qabta oo odayaal ah oo cadaalad ah oo isku dhaf ah haloo diro.”

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa dhankiisa waxa uu sheegay “ maadaama oo uu xeerarka shaqeeyaa baabi’inaayo ama uu laalayo hubsiimo badan ayuu u baahan yahay, waxa qaldan waa khal khal farsamaan u malaynayaa waxaan soo jeedinayaa in xeerkan gudi loo saaro.”

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed ayaa isaguna ku taliyay in dib loogu laabto xeerkan“ Waa xeer badan waanu isku noq-noqonayaa, in loo sameeyo kala xadayn la leeyahay magaalo heblaayo hakaas ayay ku eegtay heblaayana halkaas ayay raacsantahay,in la kala saaro oo ayaan lays dhex dhigin.”

ugu danayntii xildhibaan Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud ayaa sheegay in xeerkan gudi loo dhiibo “ Gudi hosaadka ay khusayso haloo dhiibo oo wakhtina ha la siiyo maadaama oo ay doorashooyinkiina inagu soo dhaw yihiin kala xadayntii goballada iyo degmooyinkana u baahanay.”

Geeska

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this