Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Qalin-jabinta Munaasibadaha Jaamacadaha FFU Iyo BIU.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibado ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadaha Beder International University (BIU) iyo Frantz Fanon University (FFU) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

72681031_2453130991467406_64598627843676

Madaxweyne ku xigeenka oo khudbado kala duwan ka jeediyey munaasibadahaasi ayaa ugu horayntii Hambalyo u diray Ardayda ka qalin-jabisay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadahaasi, waxaana uu sheegay inuu la qeybsanaayo dareenka farxada iyo Hambalyada ah ee ay maanta ku jiraan waalidiinta iyo ardaydii ay mudada ku soo tabcayeen, sidoo kalena waxa uu u mahadceliyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha oo uu ku bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin aqoonta iyo soo saarista arday ka dhisan dhanka aqoonta.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Ardayda kula dardaarmay in Cilmiga ay barteen ay wax ugu qabtaan Dalkooda iyo dadkooda islamarkaana ku horumariyaan waddankooda si loo anba qaado geediga aqoonta iyo ilbaxnimada ee hoolka horumarka, ugu danbayntiina wuxuu ugu duceeyey ardaydaasi inuu ilaahay ku anfaco cilmigaa ay barteen.

Allaa Mahad Leh

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this