Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay nawaaxiga Sunijiif

Recommended Posts

Deeq A.   
Laasa-dawaco.jpg?w=1000&ssl=1sawir hore

Shil gaari oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay wadada udhexeya magaalada Garowe iyo duleedka tuulada Sunujiif ee gobolka Nugaal.

Puntland Post oo qadka taleefonka kula hadashay taliyaha taraafikada gobolka Nugaal, Ismaaciil Xirsi Shirwac, ayaa u sheegay in shilkaan uu geytay dhimashada hal qof oo rag ah iyo dhaawaca qof dumara.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nuuca soomaalida u taqaano lugo badan, kaasoo ka yimid magaalada Bosaso kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo kahor inta aanu shilku dhicin.

Qofka dumarka ah ee dhaawacmay, oo xaaladeedu ay cuslayd ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee Garowe.

Shilka waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed, oo soo gaaray badeecaddi lagasoo raray dekeda Bosaso.

PUNTLAND POST

The post Shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay nawaaxiga Sunijiif appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this