Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Taliyihii kastamka wasaaradda maaliyadda Puntland oo caawa la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Koox hubaysan ayaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dishay Taliyihii kastamka wasaaradda maaliyadda Puntland.

Xasan Cabdulle Hiraabe oo ku magac dheeraa (Xasan Weyne) oo ahaa Taliyihii kastamada wasaarada Maaliyadda ee maamulka Puntland ayaa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dableydii dilka gaysatay ayaa goobta iskaga baxsatay waxaana la sheegay in taliyaha xilliga la dilayay oo ahayd salaadii cisho kadib uusan wadan wax ilaalo ah.

Ciidamo ka kala tirsan booliiska maamulka Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyo kuwo isku dhaf ah oo ka kala socda Galmudug iyo Puntland ayaa goobta uu dilku ka dhacay waxa ay ka wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxdii dilkaas ka dambeysay.

Dableyda dishay Taliyaha ayaa dad goobjooga yaal ah waxay Caasimada Online u sheegeen in ay ahaayeen labo wiil oo dhalin yaro ah, kuwaas oo dilka kadib durba goobta iskaga baxsaday.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay Al-Shabaab ka geystaan dilalka qorsheysan, maalintii Arbacada ee 16-kii bishan ayey eheyd markii taliha booliska waqooyiga uu ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa.

Caasimada Online
Xaafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this