Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamadii Itoobiya iyo New York iyo qareenadii la bedelay: Badda Somalia oo halis ku jirta

Recommended Posts

Deeq A.   

Markii labaad ayaa dawcawadii Badda ee u dhexeysay Somalia iyo Kenya dib loo dhigey, madaxweyne Farmaajo wuxuu muddo bil gudaheed ah kula kulmay New York iyo Adis Ababa madaxweynaha dalka Kenya, mar walbana gacmaha ayaa kor loo taagayey ayadoo markii kowaad uu u dhexeeyey madaxweynaha dalka Masar, markii kalena Abiy Ahmed, waxaa kaloo la xusuustaa safarkii tuhunka badan dhaliyey ee dhuumaalaysiga ahaa ee Abiy Ahmed uu Farmaajo ku geeyey Nairobi ayadoo labada dal xiriirkooda diplomaasi uu go’naa waqtigaas. Sidoo kale kulamada xafiiska Raysulwasaaraha ku dhexmaray asaga iyo wafdi Kenyaan ah bishaan gudaheeda.

Kooxdii khubarada aheyd ee dawladda Soomaaliya u qaabilsanayd kiiska dacwada ee sababta u ahaa in Soomaaliya ay ku gacan sarreyso kiiska dacwada Badda waxaa la sheegayaa in Kooxda Villa Soomaaliya ay kala direen ayagoo bixin waayey qarashaadkoodii, Taas bedelkeeda Kenya waxey gebi ahaanba bedeshay kooxdii dacwadii hore uga qeybgashey waxey qabsadeen qareenno culus oo ay u qoondeeyeen dhaqaale badan, ayagoo intaas ku darey dhaqaaq diplomaasiyadeed oo dhinac kasta leh, UN-ka, AU, iyo IGAD ayagoo ku qancinaya ururadaas caalamiga ah in kiiska badda ee labada dal u dhexeeya wadahadal lagu dhameeyo, dhanka kalena inta arrimahaasi ay socdeen waxey Kenya ku guuleysatay in ay hogaanka u qabato urur goboleedka IGAD, isla markaana ay qarka u saaran tahey in ay ku guuleysato kursiga Joogtada ee golaha amniga.

Inta Kenya dhaqdhaqaaqyadaas diplomaasiga ah iyo ururadaas caalamiga ah ay wadday waxey madaxda Villa Soomaaliya ku mashquulsanaayeen sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kuraasta madaxweynayaasha DG-yada: K/Galbeed, Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo hadda la taagan yahey, sidii loo cadaadin lahaa siyaasiyiinta ka aragtida duwan, faan cidla ah iyo abuuritaanka kooxaha xoogagga wadaniyiinta (New Guulwadayaal oo gar iyo gardaraba ugu sacaba-tuma).

Waxaa wax laga xumaado ah ah in meeshii xoogga laga saari lahaa kiiska dacwada badda in umaddii lagu mashquuliyey Jubaland oo la cunaqabateeyey iyo hebel ayaa ku soo xadgudbey hawada Soomaaliya, waxaa ka sii daran kuwa loo direy Maxkamadda ICJ oo ayagoo qoslaya barahooda bulshada umadda ugu sheegaya in dacwadii dhegeysigeeda bisha Juun 2020 dib loogu dhigey, maalmo ka horna lahaa inaysan aqbalayn dib u dhigista Kenya ay codsatey, taasi waxey muujineysaa in ruwaayadii jidadka Muqdisho ay la taagnaayeen in ay magaalada HAGUE la tageen, guuldaranna kala soo laabteen hawshii loo direy.

Habdhaqanka kooxda Villa Soomaaliya uma muuqdo in ay Daacad ka yihiin Dacwada Badda ee nagala dhexeysa Kenya, ma jiro mid ka mid ah mas’uuliyiinta qaranka ee wadniyadda sheegta oo mudada saddexda sano ku dhow ee ay xukunka hayeen ku dhiiraday inuu banaanka umadda ugu soo baxo kalana hadlo kiiska badda, sida madaxdii ayaga ka horeysay ay sameyn jireen.

Haddii kooxihii qareenada Soomaaliya difaacyey sidaas lagu kala direy, DPM Mahdi M. Guled, XI Axmed Ali Dahir iyo Amb. Ali Fiqi ay yihiin kuwa Soomaaliya u safan doona, isla markaana Bisha June 2020 oo dalku jawi doorasho ku jiro lagu aadiyey dhageysiga dacwada wareeggeeda labaad, madaxdii dalkuna ay ku mshquulsan yihiin kuraastooda, joogteynta dagaalka dawlad goboleedyada iyo xaraashka shidaalka waxaa caqliga caadiga ah uu sheegayaa in baddii Soomaaliya ay geli doonto waxyaalaha la xaraashay.

Waxaan barlamaanka horgeyn doonnaa soo jeedin (Mooshin) wax looga weydiin doono cidda ka mas’uulka ah dacwadda badda Soomaaliya sababta Soomaaliya oo ku gacan sarraysay tan iyo markii dacwada la geeyey maxkamadda ICJ iay u dhacday in maanta laba goobood laga soo kiciyo oo looga gacan sarreeyo ayadoo ugu danbeyn arrintaan ay cidi mas’uuliyadeeda dhabarka u ridan doonto!

W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this