Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar askari lagu dilay oo ka dhacay Lafoole

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay kadib markii weerar uu ka dhacay degaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa la sheegay in ay qaadeen sarkaal ka tirsan milatariga oo lagu magacaabo Khaliif iyo ciidamo daacad u ah oo uu watay.

Khaliif iyo xoogagiisa ayaa lagu waramayaa in ay beegsadeen guriga gudoomiyaha degaankaas, Ibraahim Xaaji Yuusuf.

Mr Yuusuf oo lasoo xiriiray Shabeelle ayaa codsaday in talaabo laga qaado sarkaalka oo uusan kala caddeyn ujeedka uu u soo weeraray.

Sidda laga soo xigtay Yuusuf, markii uu duulaanku dhacayey waxaa guriga ku wehliyay gudoomiye ku xigeenka degaanka Lafoole.

Madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu cod dheer kaga codsaday in ay talaabo ka qaadan sarkaalkan.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Sarkaal-milatari.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this