Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS: Muddo kordhinta kiiska badda waa kama dambeys

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay aqbaleyso muddo kordhinta lagu sameeyay dhageysiga kiiska badda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa tilmaamay in dib u dhigistan ay tahay mid kama dambeys oo aysan jiri doonin mid kale.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa go’aamisay in gal-dacwadeedkan la dhageysto 8-da illaa iyo 12-ka bisha June ee sanadka soo aadan 2020-ka.

Soomaaliya ayaa ku adkeystay in gal-maqalka la dhageysto 4-ta November ee sanadkan, balse waxay sheegtay in ay hogaan-sameyso go’aanka ICJ.

Waa markii labaad oo ICJ ay dib u dhigeyso dhageysiga kiiskan oo ku aadan goob ku taala xuduud labadda dal oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaaska naqaska ah.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Mahdi.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this