Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex nin oo caawa lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex nin ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka dib markii la weeraray iyagoo la socda Mooto Bajaaj.

Saddexdan nin ayaa waxaa lagu dilay inta u dhaxeyso Labada Buundo ee Degmada Waaberi, gaar ahaan meel ku dhow Maqaaxida caanka ah ee Baar Ha I Dhaafin.

Dilkan ayaa waxaa gaystay rag bastoolado ku hubeysnaa, kuwaa oo dilka ka dib ay u suurta-gashay in ay ka baxsadaan halkii ay falka ka gaysteen.

Wararka ayaa sheegaya in goobtaasi ay ku baxeen ciidanka booliska ee ka hawlgala Degmada Waaberi, waxayna ka sameeyeen hawlgal aanay cidina ku soo qaban

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in raggaasi dilka ka dib laga qaatay bastoolado ay wateen, inkastoo aanay weli tani xaqiijin Saraakiisha hay’adaha ammaanka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, balse dilalka ceynkani oo kala ah ayaa waxaa sheegta Ururka Al Shabaab oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo joogitaanka dalka ee Ciidamada Amisom.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this