Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo bilaabay qorshe ay ku cunna qabateynayaan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa bilaabay qorshe u eg in ay Muqdisho uga cunna qabateynayaan ganacsiga gobolka Shabeellada Hoose oo ay ugu horeyso Khudaarta ka soo go’da beeraha gobolkaas.

Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ka fuliyay gobolka Shabeellda Hoose, waxayna inta u dhexeeysa deegaanada Lambar 60 iyo Buulo Naagey ku gubeen ilaa Afar gaari oo Khudaar u soo siday magaalada Muqdisho.

Gadiidka ay gubeen Al-Shabaab ayaa dhamaantood ahaa nuuca loo yaqaano HOMY ama Caasi, waxayna af duubteen dadkii watay gaadiidkaas.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in kooxdii gubtay gaadiidkaas iyo iyaga oo ku soo baxay ay dhex martay is rasaasayn muddo socotay, balse ay baxsadeen horayna u kaxaysteen dadkii watay gaadiidka ay gubeen.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa duhuradii maanta inta u dhaxaysa deegaanka Lambar 50 iyo Awdheegle waxa ay ku dileen darawalkii waday gaari Qaad siday, iyagoo isla goobta ku gubay gaarigii marxuumka,

Dhinaca kale dad ku sugan Shabeellada Hoose ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in gaadiid khudaar u soo siday Muqdisho ay Al-Shabaab ku xanibeen maanta inta u dhaxaysa deegaanada Ceel-wareegow iyo Lambar 60, kuwaas oo caawa ku hoyanaya halkaas.

Al-Shabaab ayaa horay u baacsan jiray gaadiidka Muqdisho soo galiya Dhuxusha, iyagoo bilihii lasoo dhaafay gobolada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ku gubay ku dhawaad 20 gaari oo ahaa kuwa loo yaqaano Indhatareega, kuwaas oo Dhuxusha u soo iib gayn jiray magaalada Muqdisho.

48-kii saac ee lasoo dhaafay Al-Shabaab inta u dhaxeysa Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose waxa ay ka bilaabeen baacsi ay ku hayaan gadiidka khudaarta ka soo daabula dhulka beeraleyda ah ee soo galiya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxaana xusid mudan in wadooyinka ay Al-Shabaab ka fuliyeen howlgaladaas ay yihiin kuwo aan horay loo is ticmaali jirin, balse hada ay gaadiidleydu ku khasbanaadeen kadib markii jidadkii hore uu roobkii da’ay biyo dhigay.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this