Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo gaadiid ku gubay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Sh/ Hoose ayaa sheegaya in maanta labo gawaari oo siday Qudaar ay kooxo hubeysan ku gubeeyn agagaarka Lambar 50 ee gobolkaasi.

Raggan hubeysan ayaa sidoo kale la sheegay in ay afduubteen labo nin oo la socotay gawaaridaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiidkan ay ku soo wajahnaayen dhanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka damneysa dhacdadaasi oo cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana goobta ay shaqaaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this