Sign in to follow this  
Deeq A.

D/hoose Garowe oo la faray in ay 5 xubnood kusoo koobto agaasimayaasheeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii dhawaan shaqada laga ruqseeyay 9 agaasime oo katirsanaa dowladda hoose ‘Garowe’, ayaa wasaaradda arrimaha Puntland, waxay amartay in agaasimayaasha soo socda laga shan xubnood oo kaliya.

Sida Puntland Post xogta ku heshay wasaaradda arrimaha gudaha waxay bayaamisay in la raaco xeerka degmooyinka Puntland iyo dowladdaha hoose oo qoraya in shan xubnood laga dhigo agaasimayaasha.

Haddii sidaan laga dhigo, waxaa meesha ka bixidoono afar agaasime, iyadoo guddiga loo xilsaaray agaasimayaasha cusub lagu wado inay wax ka bedel ku sameeyaan qaab-dhismeedkii hore ee agaasimayaasha lagana dhigo sida ay wasaaraddu amartay.

Guddiga oo ka kooban xubno katirsan golaha degaanka iyo aqoonyahanno ah, ayaa dhawaan lagu wadaa inay imtixaanka ka qaadaan dadka soo codsaday boosaska bannaan, haddii ay buuxiyaan sharuudaha laga rabo.

PUNTLAND POST

The post D/hoose Garowe oo la faray in ay 5 xubnood kusoo koobto agaasimayaasheeda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this