Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdogan oo Soomaaliya uga mahad celiyey taageeradii ay u muujisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Erdogan oo ka hor hadlayey baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku taageeray howlgalka Milatari ee uu ka wado waqooyiga dalka Syria.

Erdogan ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u muujisay garab istaag muhiim ah, xilli dalal badan ay ka horyimaadeen tallaabada Turkiga.

“Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa ina y nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga Syria.” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka hortimid bayaan ka dhan ahaa Turkiga oo ka soo baxay Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu dhaleeceynayey howlgalka Milatari ee uu dalkaasi ka wada gudaha dalka Syria.

Sidoo kale waxaa Warsaxaadeedkaasi ka dhanka ahaa Turkiga diiday inay ka mid noqoto dowladda Qatar.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana uu mashaariic kala duwan ka fuliyaa magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu tababaro xoogan siiyaa ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this