Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Ka Coddaysay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ku guuldarraystay in uu noqdo guddoomiyaha urur goboleedka IGAD waxaana jagadan loo doortay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulan ay madaxda dalalka ku bahoobay IGAD jimcihii yeesheen ayaa lagu doortay guddoomiyaha halka xoghayaha ururkana loo doortay Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo aamminsana in uu xidhiidh fiican la leeyahay dalalka gobolka ayaa muddo doonayay in uu qabto hoggaanka IGAD laakiin, madaxda gobolka ayaa dalabkiisa meesha ka saartay islamarkaana doortay madaxweynaha ay is hayaan ee Kenya Mr Uhuru Kenyatta.

Waxa xusid mudan in madaxweyne Farmaajo isku hallaynayay dawladda Itoobiya laakiin, waxay Itoobiya codka siisay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo oo muddooyinkii u dambeeyay dalalka gobolka ka dhex muuqday ayaa hankiisu waxa uu dhabar jab kala kulmay madaxda gobolka waxaana jagadan wareejinaya ra’isal wasaaraha Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this