Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal ay ku kacday beesha Xasan Samadoorte oo la cambaareeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Nabadoon Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah wax garadka beesha Xasan Samadoorte ee Ceyr ayaa eedeyn culus u jeediyey xubno ka tirsan beeshaasi  oo uu sheegay in ay ku kaceen dhacdooyin la yaab leh.

Nabadoonka oo la hadlay Shabelle ayaa xusay in xubnahaasi oo ay gadaal ka riixayaan ganacsato ay ku howlan yihiin kala qeybinta beesha.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Jufo ka mid ah beel weynta Xasan Samadoorte ay ka saaareen beeshaas, sida ay  iyagu sheegteen.

Waxa kale uu ku eedeyey xubnahan in ay ku howlan yihiin caleema saarka nabadoon been abuur ah.

Ugu dambeyn, Nabadoon Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay beesha Xasan Samadoorte iyo beel weynta Ceyr inay ka hortagaan talloobiyinkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Nabadoon-Cabdiraxmaan-shiikh-maxamuud-sax.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this