Sign in to follow this  
Deeq A.

Dil Fool Xun Oo Ka Dhacay Magaalada Wajaale

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Wajaale)-Dil aad u foolxun oo si weyn u ruxay quluubta dadka ku nool Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa Xalay Fiidkii ka dhacay kaasi oo uu u geeriyooday Hal nin halka ay haweenay iyana u dhaawac culusi kasoo gaadhay.

67.png

Sida Wargeyska Foore warkan ku helnay, Haweenay Reer Somaliland oo mindi ku hubaysan ayaa falkani fulisay, waxaanay goob suuqa Wajaale Badhtankiisa ah la beegsadatay mindi nin iyada hore u qabayay iyo xaas Cusub oo la sheegay inuu wakhtiga Wajaale ku qabay, waxaanay halkaasi qudha kaga jartay sayigeedii iyadoo dhaawacyo culusna u gaysatay haweenayda ay ka hinaastay ee ninkeedu kadaba guursaday.

Dadkii shacabka ahaa ee goobta ka agdhawaa ayaa gacanta ku dhiga haweenayda falka gaysatay oo ciidanka u dhiibay, halka meydkii iyo haweenaydii dhaawac ahayd la geeyay Cisbitaalka Wajaale.

Ninka dhintay ayaa sida la sheegay kasoo jeeday Deegamada Somaliland halka haweenayda uu ku arooska ahaa ee Cusubi ee dhaawaca loo gaystay ay dhalasho ahaan kasoo jeeday Gobolka Bahardaar ee Maamulka Axmaarada Ethiopa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this