Sign in to follow this  
Deeq A.

“Cadaawada Habar Lamaan Maaha Mid La Kowsatay Caarre Iyo Bixitaankiisa” Siyaasi Cabdillaahi-dheere

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa ku taliyey in xal waara laga gaadho colaada Ceel-afweyn.

1-35.jpg

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Cadaawada soo noq-noqotay ee labada reer ee wada degan Ceel-afweyn ee habar lamaan, maaha colaad iyo dagaal imika bilaabmay,cadawada habar lamaan maaha cadaawad la kowsatay caare iyo bixitaankiisa, ee muddo ayey soo socotay, oo labada reer kolba is laynayeen, haddii hore loogu ducayey, oo heshiis loo kala saxeexay, isla markaana labada dhanba la dhaariyey, oo haddana ay soo noqotay cadaawadii, waxaan leeyahay mar walba aynu u ducayno oo qalbibga aynu uga ducayno, dhiigaas daadanayana ee gardarada lagu daadinayo waa dambi aad u weyn, Dawladduna sida ugu dhakhshaha badan xal waara ha ka dhex dhaliso labada reer, labadan reerna si gaar ah waxaan u leeyahay ALLE ka baqa, oo akhiradiina ilaashada”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this