Suldaanka

So much for Controlling the Airspace...

Recommended Posts

The funniest comment came from a Member Parliament from Puntland. She said "Dhagxaanta Farmaajo wuxu dhigtay madaxtooyadda horteeda wadoonyinka mara. Laakin hawada (Airspace) waan soo marnay hadeer oo wax dhagxaan yaala oo ma jiraan".

meaning, the air is open, despite Cheesemans' closure. 

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Hitler waxaa laga sheegay inuu yiri aduunka waxaan ugu nebcahay nin  i raaca anigoo dalkiisa duulaan ku ah

Awoowe somaliya diyaarado dagaal maleh oo ay hawadeeda ku difaacato.

Waxa lagu difaacayaa waa waraaq iyo qaanuunka dawliga ah hadiiba wax ka shaqayn karaan , waana midda keentay inay kenya ka cararto qaanuunkaas, adeegsatana wax alla wixii xaabo u shidmi kara.

Hada kenya waxay doonaysaa inay jabhad ama aag dagaal cusub dawlada uga furto kismayo waana meesha kaliya oo ay is leedahay way kuu hartay.

Dagaalka kenya wuxuu ku wajahan yahay somaliya oo dhan dal ahaan iyo dad ahaanba, halka beelaha federaalka iyo gooni goosadku u arkaan dagaal ku wajahan farmaajo.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Waxa ugu xun adiga oo awood lahayn oo af xumo iyo ku darsato waliba daandaansi. 

Waxa hore u maqli jiray "Ayaydaa (abooto reerkunfur)) taag daran, ayad'oon awood lahayn ayay hadana dadka isku soo taagtaag taa". 

Sharciga aan awood lahayn, sharci ma noqdo. 

Meeshana waxa ka socdaa waa another episode of the same film. Filmkii 30sano soo socday ayuunba musalsalkan isku bedalay. Inaad Kenya aad shar ka dhigto oo Ethiopia jeclaysato waa marxaladda aad hada aad marayso. Shalayna Ethiopia ayaa la necbaa, oo Kenya ayaa jacayl xad dhaafa loo hayay. 

Share this post

Link to post
Share on other sites
8 hours ago, Suldaanka said:

One can only be unfair when he/she has power that he/she owns and controls.

Abiy was busy with his Nobel Price and Farmaajo has no way implementing all those threats.

Now Farmaajo is done. The applause for Puntland tells more than just welcome for Dini. Its a message saying Jubaland will be Puntland 2.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Dhagaxtuur
Maya awoowe 
Somaaliya wali ma wada dhiman, taas anigaa kuu huba waligaa istaagga ku dadaal yaan fadhi laguugu iman.

Ha ku niyad jabin khudbadaha maangaabku ugusii dhiibeen ducaale sayidkiisa.

Suldaan
Ayeeyo tabar daran oo aan afkeeda laga nabad galayn dhibkeeday leedahay, waana maahmaah wanaagsan oo igu cusub.

Arintu isku si nooguma muuqato

Ethiopia waa laga nabad galay faragelinteedii, taasna wax la inkiri karo ma'ahan xataa hargaysa bay ka muuqataa si cad ama waadax ah.

Arinta kenya
Kenya iyo Ethiopia  labaduba waa khalad inay arimaha soomaaliya ciidan ahaan uga qayb qaataan sababtoo ah waxaa naga dhaxeeya dad hoos taga maamulkooda oo ay ka heli karaan adeegayaal daacad u ah anagoon towfiiq lahayna khatar badan nagu keeni kara amnigeena qowmiga ah.

Waa hore yaan arintaas ka digay fikirkaygii waayadii hore hadaad ila socatay.

Tusaale
Ethiopia ciidankeedu habayn qudha ma seexan jirin meeshii ONlF lagu sheego, laakiin xag jirka way seexan jireen ayagoo hees u shidantahay waliba.

Nimankii sidaa u qadiyadda adkaa waxaa lagu jabiyay isla beeshooda oo ay ka heleen kuwa ilmadu soo dhaafayso jacaylka ay tigreega u hayaan.

NFD waa la mid waxaana booskii ina iley ugu jira ducaale iyo madoobe iwm.

Waxaa kuusoo haray madaxdii horay usoo maray dalka been kuu sheegi maayee jihadii mucaaradkoodu jiray way daba mareen, maradaana ka dhacday oo aysan markii horaba aqoon sida loo xirto.

Mr.Dani waa danayste ama calooshii u shaqayste, wuxuuna la yaabanyahay sheekh shariif oo ay daacad ka tahay in dalka qabiil iyo qori dib loogu celiyo, wuuna ogyahay haday taasu dhacdo usc inay dadka ayaga ugu hormarayso xamar sidii waagii hore bay u camiran tahay waa lagu wada dhanyahay.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Gooni,

Life is making the best of what you have and keeping what is possible.

The O is not going to sacrifice what he can do in three countries, with the dream of having one Somali state.

Ethiopia will never do in Somalia what cannot be tolerated in Kililka. Abiy has apologized for the attempt and even gone as far as to say he did not order the failed intervention in Jubaland.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Gooni,

Deni oo kali ah danayste ma aha, dhamaan waa isku doon ayay saaranyihiin. Waliba Cheeseman wuxu ku darsaday waa 'fraud'. Nin walba dantiisa ayu fushanayaa. Cheeseman wax kale Ahmed Madoobe kuma haysto ee waa qabyaalad iyo inu Reer Gedo Kismaayo ka taliyaan. 

In badan ayaan halkan ka sheegay qofka Somalinimo iyo midnimo khiyaali ah meelaha kaga hadaaqa, waa danayste. Maantaba in oohintii yaxaaska iyo ruwaayadaasi inay soo afjarantay waa la isla wada qirayaa. 

Ethiopia iyo Kenya in la eedeeyo maha. Raq meel iska taala hadii waraabe cuno, inaad Waraabe la eedeeyo maha. Raqdaa meesha taal, raggii dayacay ayaa eedaas leh. 

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan
Waxaa wanaagsan marka aad wax taxliilinayso ama falanqaynayso inaad xog ogaal u tahay waxa laga hadlayo oo meesha yaala.

Kismaayo reer gedo iskama sharaxin, waxa is garab ordaya waa jufada axmed madoobe iyo adeerkood.

Farmaajo qabiilayste ma'ahan.
Waxaad ku doodaa wuxuu doonayaa nin ay wada shaqayn karaan oo fahmsan nadaamka dhalinyarada iyo sida dawlad buburtay loo kabo.

Ama xataa qalooci oo siyaasadee  una dhig doorashada soo socota yuu usii ood goosanayaa iwm.

Balse farmaajo reer gedo yuu doonayaa inay kismaayo xukumaan waa iska hadalkii adeerkaa faysal waraabe oo kale.

Waxaa kuusoo haray Dr.Dani.
Waa ganacsade aan dal iyo dad
Shaqo ku lahayn, wuxuu ku shaqaynayaa balan qaadkii carabta  iyo xoogaa af maris ah ama snm ugu yeerto xaqul-qalam.

Carabtu waxay u qaybsataa labo, kuwo ku shaqeeya majaamalo iyo been. 

Miyaad ii sheegi kartaa wax barbera iyo boosaaso ka qabsoomay aan ka ahayn waa soo soconaa farmaajo ka dib ee la dagaalama dawladda dhexe?

kuwo wax un kaa soo gaari karaan sida jid la dhiso safaarad loo gado iyo arimo runtii wax noo galay.

Sadaqada hadaad muujiso iyo hadaad qariso labadaba way banaantahay ee wax un ha laga arko imaaraadka.

Maxay lacagta qadar bixisay safaarado ugu iibinayaan haday tuugo yihiin? may jasiiro guryo uga dhistaan?

Waligaa makusoo martay dad si furan u taakulaynaya dhalin yarada iyo dadka taabalaysan?

Farmaajo iyo khayre adigoon iska nicin waxaad fiirisaa dalka ay madaxda ka noqdeen iyo dulqaadkooda.

Mar haday agoon madaxa ka salaaxeen waa liibanayaan awoowe.
 
Share this post

Link to post
Share on other sites
Lands   
2 hours ago, gooni said:

Interesting, opposition is needed to slow down the madness in villa Somalia.

Share this post

Link to post
Share on other sites
8 hours ago, gooni said:

Miyaad ii sheegi kartaa wax barbera iyo boosaaso ka qabsoomay aan ka ahayn waa soo soconaa farmaajo ka dib ee la dagaalama dawladda dhexe?

Bosaso hoos ayay uga sii dhacday halkii ay joogtay 10 sano ka hor. Laakin Berbera horimar aad u wayn oo la taaban karo ayaa ka socda. Hadii ilaahay inagu simo, halkan ayaan si waadax ah kuula wadaagi doona. Bal mar uun inaad hambalyo tidhaah kolka indhahaagu macalin kuu noqdaan. :D 

8 hours ago, gooni said:

Maxay lacagta qadar bixisay safaarado ugu iibinayaan haday tuugo yihiin? may jasiiro guryo uga dhistaan?

Safaarado la iibiyay ayaa tusaale usoo qaataday, tusaalaha laftiisi ayaa musuq maasuq ka soo urayaa, iska daa in wax kale kuu tilmaamo e.

Guriga Safaaradda lagu magacaabay taariikhdiisi ayaa la so helay.  Sida Faysal Rooble hoos ku sharaxay, Waxa caqli aan gali karin in gurigaasi kor u kac ama sicir barar sameeyo mudo aad u yar. Halka Xaafadda uu ku yaalo wax isbedel ah oo ku yiimid ma jiraan, oo kor u kaca sicirka guryaha xaafadu waa between 5% and 10%. 

Tabaha iyo xeeladaha musuqa ayay ka midtahay in la inflate gareeyo mashruuc lacagta ku baxday deedna difference jeebka lagu rito. 

Mogadisha oo kale waxaad doonto waa ku iibsan kartaa, laakin aduunka horimaray taariikh ayay wax walba leeyihiin iyo sicir ku salaysan 'suuqa'. Laakin Cheeseman taa waxba kama fahamsana oo sidii hore musuqmaasuqa ugu sameeyay ayuunbu tana u maray.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan Ugaas.

Macno samayn mayso qiimaynta guriga iyo wax lakala macaashay,

Soomaaliya waa dal qani ah, waxaana ku nool dad faqiira jir ahaan iyo maskax ahaanba.

Way kala qurux badan tahay, ijaarkii  bay safaaradu iska bixin wayday iyo korontadii yaa laga goostay.

Almulku lilaah waxdahu, balse waa hanti jiri doonta xukumadaan ka dib, waana sharaf ay soo kordhiyeen oo mudan in loogu mahad naqo Nabad iyo Nolol..

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.