Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaareey (SMN) – Guuliye Xareed Muxumed iyo  Cabdalle Naasiri Ibraahim oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka qeybtooda ku sugan Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Labadaan nin oo dhalinyarro ah ayaa waxaa laga soo xigtay in ay muddo ka mid ahaa Al-Shabaab, iyagoo xusay in ay muddadaas degaanada dhaca gobolkaas hoosta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee jooga Garbahaarreey ayaa tilmaamay in Ragaas ay xiriir lasoo sameeyeen markii dambana ay gacantooda soo galeen iyaga oo Hubkoodii wata loona sii gudbin doono Laamaha qaabbilsan.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this