Xamarawi

Jubbaland Airlines

Recommended Posts

Xamarawi   

Sabti, October, 05, 2019 (HOL)- Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo iibsadeen diyaar gaar ah oo loogu talagalay in ay soo qaado wafuud kala duwan ee ka qeybgalaya munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Diyaaradan ayaa maanta ka degtay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyadoo sida wafuud ay ka mid ahaayeen madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

Wafdiga oo sidoo kale ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka yimid magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa ay hordhac u noqonayaa wafuud u badan siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladdda oo lagu wado in maalmaha soo socda ay gaaraan magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay qaaday magaalada Kismaayo xayiraad in muddo ahba saarneyd, waxaana ay xayiraadaa  oo ku keentay dowladda culeys siyaasadeed oo uga imanaya Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com   

16DF6573-531E-4291-8ADB-46FAF736A513.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xamarawi   

Weftiga Somaliland ka socda oo ka qaybgali doonna caleemo saarka madaxweynaha Jubaland 


 

 

Sabti, Octobar 05, 2019 (HOL )– Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay ka qaybgali doonaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland oo la filayo in bishan sagaalkeeda ka dhici doonto magaalada Kismaayo.

Shire ayaa sheegay isaga iyo laba xildhibaan oo guurtidda ka mid ahi ay qorshaha ugu jirto inay u boqolaan magaalada Kismaayo, waxaanu xusay in shacabka reer Jubaland ee la cunno qabateeyey ee diyaaradiihii laga joojiyey ay tusi doonaan inay la dareen yihiin.

“laba xubnood oo golaha Guurtidda ah iyo xubin golaha Wakiilada ah oo aniga ah inaanu safar ugu anbobixi doonno Kismaayo si aan uga qaybgalno caleemo saarka Axmed Madoobe”ayuu yidhi xildhibaan Shire oo sheegay inay ka qaybgalayaan caleemo saarka madaxweynaha Jubaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weftigaasi ay ku jiraan xubno kale oo wasiiro hore iyo masuuliyiin xisbiyada mucaaradka ah, kuwaas oo kala qaybgali doonaan dadweynaha reer Jubaland caleemo saarka madaxweynahooga.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in iyagu is abaabuleen inay tagaan Kismaayo, isla markaana aanay xukuumaddu shaqo ku lahayn.

Dhinaca kale, waxa safarkaasi dhaliilay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanay ku tilmaamay arrin meeqaamka Somaliland hoos u dhigaya, taas oo aanu sharcigu ogolayn.

Sidoo kale, dadweynaha ayaa iyaguna arintaasi ku kala aragti duwan, qaaar taageersan iyo qaar ka soo horjeedaba iskugu jira.

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda masuuliyiin reer Somaliland ka qaybgalaan caleemo saarka madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, taas oo labada gole sameeyeen sharci ka dhan ah qofkii ka qaybgalla arrimaha Soomaaliya inuu dambiile qaran yahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Just because the plane is registered in Kenya doesn't mean the Jubbaland government doesn't have a stake. You're forgetting Ahmed Madoobe's biggest powerbase is in Kenya. Most Somalis think that means Kikuyus but it is actually Somali Kenyans that used the Kenyan government machinery to achieve their aims and Jubbaland is the result. Ahmed Madobe didn't magically conquer Jubbaland single-handedly, he had powerful backers. In this case, they most probably have a Somali from Kenya as a proxy. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Diyaarad kenya ka timid oo aysan shaqo ku lahayn dawladda farmaajo siday ayagu hadalka u dhigayaan waa guul usoo hoyatay jamhuuriyadda jubaland.

Caano shubku markuu dhamaado kismayo ma waxay hoos tagaysaa Nairobi?

Jubaland iyo puntland inay shisheeye ka jecelyihiin qarankooda wax cusub ma'ahan waa taariikh aad u fog.

Waxaa igu cusub sida ay reer muqdisho gurceel iyo madaxdii hore uga iibiyeen.!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Waa shirkii waraabaha.

This is the gathering of the old guard, failed politicians and warlords like Sharrif Hassan. Cabdikarim from Galmudug had failed within a year while he was the interior minister. THen he couldn't survive even two years as the leader of Galmudug..

If these characters are the new allies of Madoobe, please go ahead by all means. 

 

Kenyana waxaan leeyahay bal aynu eegno cida caano ka daataan. 

Reer Galmudug doesn't know their own interest. With Farmaajo at the helm, they could get a port, and a vibrant region , but with Hassan Sheikh and Puntlanders, they will be out of the power center completely. Beware of what you wish. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

😂 lol 😂 

All this unnecessary hullabaloos are very unbecoming of Nabad&Nolol.

The thread is titled Jubaland Airways. It is talking about a chartered plane shuttling politicians to the Madoobe inauguration in Kismayo, yet Mudane Gooni Niic-badane and Mudane Galbeedi biibaaye can’t help themselves but name drop Puntland into this.😆

Saaxiibyaal, maxaa dhacay? Why do N&N concern themselves so much with the poor pirates —that some of you claim are trapped in their desolate desert?😁

The trouble with you guys is that you see Puntland in every shadow and in every corner even though Puntland is happily relegated to profound inactivity on the political benches of Somalia.😂

Axmad Madoobe’s inauguration is fast approaching and the ball is now in your court. Bal aan aragno waxaad lasoo shir tagtaan. 😂 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.