Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ragga iyo dumarka intee nooc ayaa loo kala qaybin karaa?

Recommended Posts

RAGGA

 

Rag ayaan is weydiiyey noocyadooda, kaddibna waxa aan ku soo koobay, sidan hoos ku qoran:

 

 

1. Xoog ku nin.

 

Waa ninka reerkiisa iyo ehelkiisa kula nool xoog, ee dilaaga ah. Dadka qaar waxa ay u yaqaannaan budh la yuurar. ninkaasi naxariis malaha, waxana lagu tiriyaa in aanu xagga maskaxda ka caafimaad qabin. Dhibta ugu badanna waxa uu u geystaa xaaskiisa iyo carruurtiisa.

 

 

2. Qabiil ku nin.

 

Waa ninka qabiilkiisa ku faana, ee aan isagu lahayn karti u gaar ah, had iyo jeerna ka hadla qabiilka. Ninkaasi waxa uu ninnimadiisa ka raadiyaa ku faanista qabiilkiisa. Inta badanna waxa la isku maan dhaafaa sheekada qabiil, oo uu qabiilkiisana ammaano kuwa kalena uu hoos u dhigo.

 

 

3. Mansab ku nin.

 

Waa ninka nasiib u helay in uu ilaah mansab gaadhsiiyo, hase yeeshee ku tarki falay, kuna dhaqmay, eex iyo caddaalad darro. Ninkaasi mustaqalkiisu waxa uu ku dambeeyaa gooni iyo cidlo. Ubadkiisuna waxa ay bulshada kala kulmaan sharaf la’aan iyo karaamo la’aan. Markaasay dadku ku yidhaahdaan, waxa ku dhacday cuquubadii uu aabbahood dadka ka galay.

 

 

4. Qoodho ku nin.

 

Waa ninka Bahalkiisa u meel dayi waayey, ee shabeel naagoodka noqday. Waa nin guur iyo galmo (wasmo) badan, oo bulshada uu la nool yahayna kaga caam baxay qoodhnimadiisa. Raganimo kale malaha. Waa godad leh. Ubad iyo oorina uma roona. Kolba ta uu la joogo ayaa uu isku macaaneeyaa, oo uu isaga dhigaa nin geesi ah. Marka uu maalinta dambe warqadda siiyana dib uguma soo noqdo iyada iyo carruurteedba.Mustaqbal fiicanna ma yeesho, ooryihiisuna waa ay ka xumaadaan. Ubadkiisuna waa noociisa oo kale.

 

 

5. Khayaamo ku nin.

 

Waa wiilka yidhi waxa aan aqaannaa sida dadka loo kala dabbaro, ee loo maamulo. Waxana uu sheegtaa siyaasi. Xariifna waxa uu ku yahay khayaamada, waran-waryada iyo kala dillaalka shacabka. Had iyo jeerna waxa aan ka ag dhawahay talooyinka iyo ninka xukunka haysta iyo kooxdiisa. Dadkuse waxa ay u yaqaannaan beenaale, basaas iyo wax la mid ah. Danta reerkiisana waxa uu ka door bidaa ta siyaasadda. Markaasay carruurta iyo xaaskuba ka hoos baxaan, oo waraabe u gacan galaan.

 

 

6. Magac ku nin.

 

Waa ninka magac ku faanka ah, ee mar walba la soo booda, miyaanad magacayga aqoon, oo aanad garanayn in aan ina hebel ahay. Kaasi waa ka ninnimadiisa ka raadiya magaca waalidkii amma ehelkiisa. Kibir iyo is qaad qaadka ayaana ku badan, waanu dareen badan yahay, had iyo jeerna mar kasta oo ay rag is galaan waxa uu tirsadaa gef in laga galay.

 

 

7. Arrin yaqaan.

 

Waa ninka marka arrin la leeyahay loo yeedho, ee talo laga raadsado. Ninkaasi waxa uu nin yahay marka ay arrini jirto. Waxana uu yidhi, waxa la ii baahdaa maalinta dhibi jirto. Inta kalena talada reerkayga ayaan u darbanahay.

 

 

8. Qalin ku nin.

 

Waa ninka waxbartay, ee ku faa’iiday, fariidnimo kalese aan yeesheen, haddii aanu wax baran.

 

 

 

9. Qasnaji.

 

Waa ninka dadku u yaqaannaan bakhaylka, ee wixiisa xafita, maalinta ay dhacdana loo cararo wax hel iyo wax waaba. Maalintaasi ayaa ay xaaskiisuna u qirtaa taladii uu xoolaha ugu ilaaliyey. Inta ka horreysana aad ayey uga cabataa.

 

 

By: Ahmedweli Goth

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

1. Xoog ku nin.

 

Waa ninka reerkiisa iyo ehelkiisa kula nool xoog (it’s the man who treats his family and kinsmen with sterness) ee dilaaga ah. (and is a killer??) Dadka qaar waxa ay u yaqaannaan budh la yuurar. (some people know him as one who keeps his budh close by) ninkaasi naxariis malaha, (he is merciless) waxana lagu tiriyaa in aanu xagga maskaxda ka caafimaad qabin. (and he is counted as someone who isn’t all together upstairs) Dhibta ugu badanna waxa uu u geystaa xaaskiisa iyo carruurtiisa. (he brings most of the problems to his wife and kids)

Share this post


Link to post
Share on other sites

and he is counted as someone who isn’t all together upstairs

:D:D

 

 

,, That is very good yaa North. You can beat it to the NG ....

 

See ?? ,,, keep trying and you will be my official translator. loooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Almost literal translation:

 

2. Qabiil ku nin

 

This is the sort of fellow that boasts and prides solely of his clan. He doesn’t possess any other personal qualities or capabilities. He always brags about tribalism, and his strength lies in tribe-talk. Most of the time he ends up at loggerheads with others ‘cause of the tribe-talk and the fact that he rates his own tribe superior to other tribes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

That is a good one too ...... Thanks Abdillah

 

Haye ,, let the translation continue ,,, i think NG will have nothing to translate markuu yimaado ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this