Sign in to follow this  
Hawdgirl

Denmark: Qubuuro ay Muslimiin ku aasan yihiin oo La Jejebiyey

Recommended Posts

Hawdgirl   

Denmark: Qubuuro ay Muslimiin ku aasan yihiin oo La Jejebiyey

Isniin Feb 13, 2006

 

25 Qabri oo ay ku aasan yihiin Muslimiin oo la jejebiyey

 

Afhayeen u hadlayey Booliska (Denmark) oo magaciisa la yiraahdo Anders Hansen ayaa sheegay in la jejebiyey dhagxaanta qubuuraha Muslimiinta ee ku yaal magaalada Esbjerg.

 

Esbjerg waa magaalada shanaad ee ugu weyn dalka Denmark waxayna qiyaasti 250 km galbeed ka xigtaa caasimada Copenhagen.

 

"Ma ogin cidda arrintaas ka dambeysey" ayuu yiri afhayeenka booliska, oo intas ku daray weerarka qubuuraha loo geystey in uu dhacay gelinkii dambe ee Sabtidii ama ama gelinkii hore ee Axadii (Feb 12).

 

Aagga qubuuraha waxaa ku yaal qubuuro Kirishtaan iyo kuwo Muslimiin ah, waxaana la jejebiyey qubuuraha Muslimiinta oo keliya, ayuu yiri Afhayeenka Boolisku.

 

Arrintani waxa ay dhacday xilli xasaasi ah oo carada Muslimiinta daafaha dunida ay ku wajahan tahay sawir gacmeedyadii uu daabacay wargeys ka soo baxa Denmark.

 

Qoraa aad looga yaqaan dalka France oo magaciisa la yiraahdo Eric Geoffroy ayaa yiri: waa laba wajiilayn habka ay reer galbeedku u maareeyeen sawir gacmeedyada lagu aflagaadaynayey Nebi Muxamed NNKH. Waxana uu intaas ku daray isagoo la hadlayey IslamOnline in ay reer Galbeedku ilowsan yihiin oraahda falsafeedka caanka ah ee ah xorriyada qof waxa ay dhammaataa marka ay bilaabato xorriya qof kale. AKHRI

Ra'iisul wasaaraha Denmark, Anders Fogh Rasmussen, ayaa arrintaas si kulul u cambaareeyey, waxana uu yiri "waxaan si xoog leh u cambaaraynayaa ficilkaas foosha xun, waxaana ka xumahay in la xumeeyo qubuuraha Muslimiinta."

 

Dhanka Faransiiska wararka ka imanaya waxa ay tibaaxeen in magaca Nebi Muxamed NNKH uu noqday kan loogu hadal haynta badan yahay. Waxaana wargeysyada dalkaasi ay bogagooda hore maalmahan ku qorayeen cinwaano ay kamid yihiin "Xaqiiqada Islaamka France," "Kor u kaca islaamka", "Islaamnimo... Maxay diintani sidaas degdega ah ugu faaftay?".

 

Waxaa kale oo dalka France aad kor ugu kacay raadinta Tarjumada Quraanka Kariimka iyo buugaagta ka hadlaya Islaamka, kuwaas oo dadka Faransiisku ay danaynayaan in ay wax ka ogaadaan.

 

Dhanka Ciraaq waxaa maanta Telefeshinada Caalmka hareeyey Video lagu sheegay in laga duubay Askar British ah oo garaacaya dhallinyaro reer Ciraaq ah (magaalada Basra). Halkan ka daawa Vedio-ga... CBC

 

ISHA: CBC, IOL, Aljazeera

 

»Bannaanbaxyadii Mombasa iyo Nairobi...

»Mudaaharaadyo kadhacey Capetown & Pretoria

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.

 

20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.

 

Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.

 

20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.

 

10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.

 

25 Jan 2006: Muftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,

 

26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.

 

30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan

 

31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin

 

1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .

 

3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia

 

4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.

 

5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan. Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.

 

6 Feb 2006: Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this