Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al Shabaab oo 600 oo neef geel ah diyo ahaan ugu kala wareejiyay beelaha Abgaal iyo Xawaadle

Recommended Posts

Deeq A.   

Buq Aqable (Caasimadda Online) – Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa kala qaatay diyo gaareyso illaa 600 oo neef oo geel ah balse la lacageeyey, kadib kulan ka dhacay Gobolka Hiiraan oo ay soo diyaarisay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa diyo loogu kala wareejiyay beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo la sheegay inay iska dileen dad badan oo kasoo kala jeeday labada Beel.

Munaasabadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo u qaabilsan Gobolkaas, waxayna Al-Shabaab sheegtay inay soo afjartay colaad  muddo badan u dhaxeysay labadaan Beel.

Labadaan Beel ayaa la sheegay in dadka diyada laga bixiyey isaga dileen Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo ay kala dagaan labadaan Beel.

Imaamka Beesha Abgaal ee Shabaab aqoonsan tahay iyo Nabadoonno ka socday Beesha Xawaadle oo ku sugnaa munaasabadii diyada lagula kala wareegay ayaa soo dhoweyay hesiishka ay wada gaareen labadaan Beel.

Beesha Abgaal ayaa qaadatay 500 neef Geela oo ah diyada lix nin oo beesha Xawaadle ka dishay halka beesha Xawaadle ay qaadatay diyada 100 halaad oo ah diyada hal nin oo beesha Abgaal horay uga dishay.

Labada beelood ayaa ku heshiiyay in diyada lacag ahaan loo bixiyo waxaana calaa neef lagu qiimeeyay 400 oo dollarka Mareykanka ah.

Labada Beel ayaa kala qaatay lacag gaareyso ilaa 240,000 oo dollar [laba boqol iyo Afartan kun oo dollar] oo ah diyada 6 qof oo labada beel ka kala tirsanaa.

IMG_1223-Copy.jpg IMG_1224-Copy.jpg IMG_1231-Copy.jpg IMG_1238-Copy.jpg IMG_1241-Copy.jpg IMG_1247-Copy.jpg IMG_1253-Copy.jpg IMG_1274-Copy.jpg IMG_1298-Copy.jpg IMG_1304-Copy.jpg IMG_1306-Copy.jpg IMG_1311-Copy.jpg IMG_1317-Copy.jpg IMG_1330-Copy.jpg IMG_1337-Copy.jpg IMG_1340-Copy.jpg IMG_1342-Copy.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this