Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalida Ku Nool Dalka Masar Oo Casbi Xooggan Ka Muujiyay Dibadbaxyada Ka Bilaamay Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Soomaalida ku dhaqan dalka Masar ayaa cabsi xooggan ka muujiyay dibadbaxyada ka bilaamay dalka Masar ee lagaga soo horjeedo madaxweynaha haya tallada Mr Cabdifataax Al-Siisii.

2e7ba027ea1b40d4816a4bc67a0b4ad2_18-740x

Qaar ka mid ah Soomaalida siyaabaha kala duwan u jooga dalkaas oo la hadlay Universal Tv ayaa sheegay in shalay illaa maanta ayna ka bixin guryaha iyaga oo ka baqdin qaba in waxyeelo ay ka soo gaadho dibadbaxa.

Jimcihii shalay ayaa dalkaasi waxaa hadheeyay banaanbaxyo waaweyn kuwaasi oo illaa maanta ka socda magaalooyinka waaweyn, waxaana muwaadiniinta dalkaasi ay ku dhawaaqayeen erayo lidi ku ah maamulka haya tallada oo ay sheegeen in waqtigiisa uu Dhammaaday.

Salaasadii hore ayey aheyd markii ganacsade maxamed Cali oo u dhashay dalka Masar uu ugu baaqay shacabka inay dibadbaxaan haddii aanu xilka ka dagin madaxweynahaya haya Tallada.

Ganacsadahaan ayaa ku eedeyay Cabdifataax Al-Siisii in uu ku tuntay hantida dadweynaha kuna kacay musuq maasuq iyo wax isdabamarin ayna u sii dheertahay cabudhinta siyaasiyiinta iyo saraakiisha dowladda ee diidan hanaanka maamulka Qaahira.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this