Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray cidda ay ku beegsadeen qaraxii maanta ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray qaraxyo ay sheegeen in ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya iyo sidoo kale askar ka tirsaneed AMISOM, kuwaas oo ka kala dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayey sheegeen Al-Shabaab in ay ku dileen labo sarkaal oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya iyo labo askari oo ilaalo u ahaa.

Mid ka mid ah saraakiishaas ayey Al-Shabaab war kooda ku sheegeen in uu ahaa nin caan ah oo lagu magacaabi jiray Aadan Cali Macallim, kaas oo ku magac dheeraa Musmaar, halka sarkaalka kale oo ay sheegteen dilkiisa aysan soo ban dhigin magaciisa.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in qarax miino oo ay la beegsadeen gaari ay Saaruf ah oo ay wateen ay ku dhaawaceen labo askari oo ilaalo u aheyd saraakiisha la dilay.

Dhanka kale warka kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegteen qarax kale oo ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan deegaanka Siinka-Dheer, kaas oo ay sheegeen in ay ku dileen labo askari oo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ciidamada AMISOM ee qaraxa miino ay kula beegsadeen duleedka Muqdisho ay ahaayeen kuwa kala gudbiya saadka ciidamada AMISOM ee ku kala sugan Muqdisho iyo deegaanada duleedka ah.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this