Sign in to follow this  
Deeq A.

Saalim Khaalid: Waa kuma ‘Al-Shabaabka’ labada jeer ka badbaaday dilka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada booliska ayaa qabtay shaqsi looga shakisan yahay in uu xubin ka yahay Al-Shabaab kaasi oo tirro laba jeer ah ka badbaadey khaarjin.

Saalim Cabuudi Khaalid, oo aan la ogayn jagadda uu hayo, ayaa haatan la il-daran dhaawacyo, wuxuuna ku jiraan saldhig ku dhex-yaala Isbitaalka lagu daaweynayo.

Nabaradda ayaa waxay kala yaaliin dhanka caloosha, gacanta midig iyo lugta, sidda laga soo xigtay sawirro laga soo qaadey oo uu baahiyey wargeyska Daily Nation.

Baareyaasha ayaa haatan ku guda jira su’aallo waydiinta ruuxan, kaasi oo lasoo shaqeeyay qaar kamid hogaamiyeyaasha ugu muhiimsan Al-Shabaab ee Kenya.

Waa kuma Saalim Khaalid?

Bishii October 3-deeda sanadkii 2013-kii, gaari uu la socdey ayna ku wehliyeen xubno kale kaasi oo la rasaaseeyay ayuu noqday qofka kaliya ee ka badbaadey.

Waqtigaasi kadib aad ayuu ugu yaraa aragiisa gudaha is-maamul goboleedka Mombasa, balse wuxuu iska dhigay ruux ay naftu ma hore ka baxdey kadib tacshiirada.

“Waan u dhameynay,” ayuu sheegay inuu maqlay. Hadalkaasi waxaa yiri dad lagu sheegay booliska. Khaalid ayaa kadib ka boodey gaariga, waana uu baxsadey.

Tan iyo xiligaasi, ciidanka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa aad u doon-doonayey, waxaana lagu daray liiska xubnaha la baadigoobayo.

Warbixino xaga sirdoonka ah ayaa muujiyey in uu dhanka Soomaaliya u socdaalay dhowr jeer, isla markaana uu marar kala duwan qaatay tababar dheeraad ah.

Walaalkii, Haashim, waxaa la sheegayaa in dhowaan lagu khaarijiyey gudaha Soomaaliya, isaga oo ka barbar-dagaalamaya ururka ku xiran Al-Qaacida.

Arbacadii todobaadkan [11-ka September 2019], markii ay boolisku ku duuleen hoygiisa Tudor Mwisho ayaa gacanta lagu dhigay kahor inta aan la toogan.

Kahor inta aysan booliska baaritaan sameynin oo aysan xaqiiqada ogaan, markii dhaawac ahaan looga soo qaadey goobta wuxuu mar kale iska dhigay ruux dhintay.

Rasaasta ayaa looga beegsaday caloosha, gacanta midig iyo lugta, balse, xaaladiisu haatan waa mid aad u wanaagsan, sidda laga soo xigtay taliska bileyska.

Walaashii, oo aan wali magaceeda illaa iyo haatan aanan la shaacin, ayaa lagu waramayaa in ay u soo dhooftay Soomaaliya, ayna xubin ka noqotay Al-Shabaab.

Xigasho: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this