Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo war kasoo saaray dagaal ‘jab culus lagu gaarsiiyey’ Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa guulo ka shegtay dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay isaga hor-yimaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howl-gallo baaxad leh oo ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada Hoose “lagu bur-buriyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen malleeshiyada Al-Shabaab.”

“Howlaglkan oo ciidanka xoogga fuliyeen xalay ayaa sidoo kale waxay halkaasi ku dileen ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka, iyagoo sidoo kale kala wareegay hub iyo saanad millitari” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliya u sheegtay in ay weli halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin dagaalkii xalay.

Magaalada Marka ayaa waxaa la filayaa in dhowaan uu booqasho ku tago ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this