Sign in to follow this  
Deeq A.

Xabsi la dhigay diig dheg dahab ah ka goostay haweeney, dabadeedna liqay Waxa lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

diqxabsi.jpeg?resize=624%2C404

Diiq dahab cun ah ayaa lagu bireeyay dalka Itoobiya, waxayna u badan tahay inuu hilibka dabaaldagga sanadka cusub u noqdo haweeney ku khasbanaatay inay soo iibsato, ka dib markii uu liqay dhag dahab ah oo ay xirneyd.

Ujeeddada ugu weyn ma aha hilibkiisa balse waa si loo helo dahabkii uu sida lama filaanka ah u laqay.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Hachaltu Bedira ayaa tagtay suuqa ku yaalla magaalada Woliso ee gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.

Qorshaheeda wuxuu ahaa inay iska iibiso qaar ka mid ah digaaggeeda, mana aysan dooneynin inay digaag kale soo gadato, laakiin waxay dib ula soo laabatay hal diiq oo qalaad.

Diiqaas waxaa lahaa ganacsade kale oo doonayay inuu iska sii iibiyo, waxayna Hachaltu mar qura ku kulmeen suuqa xilligaas mashquulka ku ahaa dukaameysiga la xiriira u dabaal dagga munaasabadda sanadka cusub ee dalka Itoobiya.

Maalintii Talaadada ahayd, mar qura wuxuu buuq hareeyay suuqii mashquulka ahaa ka dib markii uu diiqa kasoo baxsaday qofkii iibinayay uuna dhagta dahabka ah ka goostay Ms Hachaltu isagoo isla markiina liqay.

Waxay markiiba ka dhex tolatay haweeneydii dhagta dahabka lahayd iyo ninkii watay diiqa sameeyay falka “layaabka leh”.

Xaaladda ayaa aad u kululaatay, waxayna gaadhay ilaa heer ay soo faragaliyaan ciidamada booliska ee halkaas ka ag dhawaa.

Taliye lagu magacaabo Tadesse Bedada ayaa BBC-da laanteeda Afaan Oromoo u sheegay in xalka la helay kaliya markii ay boolisku dhexdhexaadin u sameeyeen labada ganacsade ee is heystay.

Ms Hachaltu ayaa ugu dambeyn oggolaatay inay diiqa ku iibsato 150 birr oo lacagta Itoobiya ah, taasoo u dhiganta $5 doolar ama 4 gini.

diqxabsi1.jpeg?resize=624%2C630

Qiimahan ayaa aad uga yaraa midka caadiga ah oo halkii diiq lagu iibsado 250 birr, hase yeeshee waxaa la isku waafaqay sidaas maadaama uu diiqa sameeyay fal aan loo baahneyn uuna milkiilihiisa ku muteysanayo khasaare qeyb, sida uu sheegay taliya.

Mr Bedada ayaa intaas ku daray in diiqa uu ahaa mid layaab leh uuna raadinayay wax kasta oo midabka dahabka leh si uu u liqo, markii uu gacanta booliska ku jiray.

Waddankan ku yaalla bariga Afrika ayaa leh taariikh xisaabiye gaar u ah oo qiyaastii 7 sano ka dambeeya taariikh xisaabiyaha caadiga ah ee ay dunida inteeda kale raacdo.

Maalinta Khamiista ah ee foodda nagu soo heysa, Itoobiya waxay u noqon doontaa maalinta koowaad ee sanadka 2012-ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this