Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dib u habeyn ku sameyneysa ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaadey in ay dib u habeyn ku bilowday ciidanka maamulkaas.

Cabdicasiis Maxamed Galan, wasiirka wasaaradaas, ayaa waxa uu sheegay in qorshahan uu sidoo kale qayb ka yahay tayeynta ilaalada mas’uuliyiinta.

Mr Galan ayaa intaasi raaciyey in si lamid ah ciidamada ilalaada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ay sidoo kale dib u habeyn doonan.

Qorshan ayuu carabka ku adkeeyay in ay u gudbiyeen Golaha Wasiirada maamulkaas, uuna yahay mid ku dhow heer gabagabo ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this