Deeq A. Posted September 13, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Odayaal kulan ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, baaq nabadeed kasoo saarey colaad beeleedyo ka aloolsan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud. Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayey ku booriyeen in ay xabadda joojiyaan, isla markaana wax kasta oo ay kala tabanayaan ku dhameeyaan miiska wada hadalka, maadaama aanan dagaal xal ahayn. Wax garadka ayaa intaasi raaciyey ay ay dardar gelin doonan dedaaladooda samadoonimadda ah, si looga baaqsado dagaalo horleh oo bulshooyinka walaalaha mar kale dhex-mara. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay isku dhacyo dhexmaray beelahaasi Soomaaliyeed, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo kharaar uu ku dhexmaray qayb kamid ah gobolkaas. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Okay.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites